Khilaaf soo kala dhexgalay Gudigii dib u heshiisiinta Galmudug (warbixin)

Reading Time: 2 minutes

Waxaa maalmihii u danbeeyay khilaaf ka dhex jiray gudigii uu dhawaan magacaabay Xasan Kheyre kuwaas oo lagu sheegay in ay noqon donaan Gudiga dib u heshiinta.

Gudiga oo markii la soo xulayay aan aad looga fiirsan ayaa waxa ka horyimid caqabado ku dhisan mabaa’dii iyo kuwo dano gaar ahba.

Gudiga ayaa in mudo ah waxa ah ka sheeganayeen hogaanka Cabdiraxmaan Baadiyow oo ay ku tilmaameen qof  kaligii talis ah isla markaana aan wax badan kala socon xaalada Galmudug iyo dadka reer Galmudug.

Qilaafka ayaa waxa uu soo ifbaxay ka dib markii xubnihii gudiga ay bilaabeen in ay la kala saftaan danaha beelahooda halka koox diimeedka Al Islaax iyaguna u arkaan gudiga fursad ay dib ugu soo muuqan karaan siyaasadda Galmudug iyo guud ahaan tan dalka.

Khilaafka ugu waynaa waxa uu shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ka dib markii mid ka mida gudiga Axmad Xaaji Cabdisalaan oo loo yaqaano Dhabancadls  horayna u waayay xildhibaanimada Fedaraalka ka dib markii Cabdikarin Guuleed ka hiiliyay ayaa waxa uu soo qortay magacayada ergada beesha Sacad kuwaas oo uu arkay in ay kaalin ka qaadanayaan doorashadiisa xildhibaanimo. Dhabancas ayaa gudbiyay magacyadda liiska dadka Sacad ee lagu martiqaaday shirka Dhuusamareeb.

Magacyadii uu soo gudbiyay ayaa waxa ka horyimid dadka shirka ka soo qaybgalay oo la yaabay dadkaas oo waydiiya gudiga …”ma waxaad u timaadeen talo waydiin mise in aad gudi naga saxiixataa aad idinka soo qoroteen”. Waxaa taa loogu daray “anaga oo aanba go’aan ka gaarin tagitaanka Dhuusamareeb ayaad been noola timaadeen”.

Halkaas ayaa waxa ku dagaalay gudigii dhexdooda ayaga oo ku sugan goobtii shirka ka socday.

Dhanka kale waxaa isagana qortay ergada beesh Murusade Maxmed Nur Gacal oo ka tirsan kooxda Al Islah, waxa uuna horay u soo noqday Xikdhibaan. Gacal ayaa  ay ka go’an tahay in kursiga uu kala wareego xildhibaan Maryan Carif Qaasim oo ay isku beel ka soo jeedaan.

Waxaa iyadana dhanka kale culays ka yimid beesha Direed ka dib markii nin sheegta Ugaas oo aan karaamo badan looga haynin deegaanka xiraale lagu soo daray gudiga taas oo oday dhaqameedka beesha Direed ka biyo diideen una arkeen aflagaado.

Cabdiraxmaan Baadiyow oo ka mida aasaasayaasha ururka diiniga Al Islah aadna ula dagaalsan culumada Al Sunna Wajameeca kuwaas oo ay kala dhaxeyso cadiifad ku dhisan mabaa’di Islami ah isla markaana uu arko Al Sunna dad islaanimadooda shaki ku jirto ayaa isagana rabo in uu xdhibaano u janjeera kooxda Al Islah  laga soo doorto degaanka Galmudug.

Waxaa sii kordhaya danaha gaarka ee isdiidsan oo ay gudigu ka leeyihiiin howsha lagu magacaabay. Qilaafkaan oo laga qarinayo shacabka reer Galmudug ayaa dhawaan soo Shaac bixi dooono.

Nin ka mida dadka ku dhaw-dhaw Xasan Kheyre ayaa sheegay in Kheyre ka shalaaysan yahay qaar ka mida Gudiga uu isaga u dhiibtay shaqada, waxaana shaki ku jirin in qaar ka mida gudiga iscasili doonaan mar aan sidaa u sii fogaynin.