Waxaa banaanka u soo baxaya khilaaf u dhaxeeya isimada beesha Dhulbahante dhexdooda iyo midka u dhaxeeya iyaga iyo saraaakiisha hogaamineysa dagaalka dib loogu xureynayo deegaanka hoos yimaada Gobolka Sool.
Qaar kamida beelaha qaybta ka ah dagaalka Laascaanood, gaar beesha reer Jama Siyaad ayaa u muuqda kuwa ka biyo diidaya in dagaalka sii socda iyaga oo ku baaqaya in danta dadka degaanka ay ku jirto in la qaato baaqa beesha caalamka ee ah xabad joojinta.
Beelaha kale ee Dhulbahante ee ku nool Laascaanood ayaa ku doodaya in dhibaatada ugu weyn ee dagaalka iyo madaafiicda ay soo ridaan Somaliland ay ku dhacaan deegaana qaasa.
Waxa jira eedeymo loo jeediyay beesha reer Jamac Siyaad taas oo ah inay madaafiicda iyo hoobiyayaasha ku soo dhaca magaalada Laascaanood ayan ku dhicin deegaanada ay beesha reer Jamac Siyaad ka degan yihiin magaalaada laascaanood.
Waxa iyadana baaq ka imaanayaa madaxda iyo hogaanka shirkada HASS oo ganacsi xoog leh ku leh guud ahaan deegaanada ka tirsan Somaliland. Shirkadaas oo qoondada ugu badan ay leeyiihiin beesha Baharsame ayaa u arka sii socoshada dagaalka mid baab’inaya danaha nolol iyo dhaqaale ee shacabka Dhulhabante.
Waxa ay ku doodayaan inay beeshu qaadato wadahadal, madaama hada ay muujiyeen awoodooda ciidan iyo rabitaanka shacabkooda. Si taasi loo gaarana beesha waa inay meelmarisaa xabad-joojinta ay ku dhawaaqday dowlada Somaliland.
Saraakiisha hogaaminaysa dagaalka ayaa u kala qeybsan ilaa afar qeybood kuwaas oo iyagu lahaynin aragti midaysan ee ku wajahan halka uu ku dhamaanayo dagaalka.
Ninka isku sheego in uu yhay hogaamiyaha Jabhada SSC, Cabdi Madoobe oo dhawaan ka soo baqoolay Degmada Buuhoodle ayaa ku adkeysanaya in la weeraro Ciidamada Somaliland ama waxa uu ugu yeeray ciidanka SNM oo aan marnaba la qaadan xabad joojin. Waxa uu heystaa ciidan xoogan oo isaga kaliya ka amar qaata, mana jirto cid uu si toos ah u hoosyimaado oo aan ahayn Garaadka Beeshiisa.
Waxaa dhankooda ka dagaalayama ciidamo kale oo ciidan beeleedyo kala duwan ah oo aan lahaynin “central Command” kuwaas oo ayan jirin hal meel oo laga xakumo, waxa uu ciidankaas hoos yimaadaan Garaadyada beelaha ay ka dhasheen.
Sidoo kale waxa jira ciidamo ka amar qaata madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmad Karaash. Ciidankaan ayaa ah kuwo aad u hubeysan, saad iyo u fiicana ay soo siisay dowlada Puntland.
Ciidankaan ayaa u arka dagaalka Laascaanood inuu yahay fursadii ugu fiicnayd ee lagu jabin lahaa amaba lagu burburin lahaa Somaliland, sidaa darteed marnaba ma joojinayaan dagaalka ilamaa Somaliland xoog looga saaro guud ahaan dhulka SSC.
Sareeye Guuto Mahad Faarax Cilmi ( Mahad Canbaashe) oo ah taliyaha qaybta 7aad ee ciidanka Somaliland kana soo jeeda beesha reer Jamac Siyaad ayaa waxa u muuqata in hadii xataa hadii uu si toosa ugu biiri lahaa dagaalka dhanka Beesha Dhulbahante uusan wax karaamo ama sharaf ah uusan ka helaynin la joogitankooda. Waxaana awooda gacanta ugu jirtaa Dhalinyaro u badan qurbo-joog.
Taliye Mahad Canbaashe oo haysta hubkii iyo ciidankii ugu badnaa ee Somaliland ugu talagashay qaybta 7aad ee ciidanka Somaliland ayaa dhankiisa waxa uu xakameeyay ciidankaas si ayan dhibaato uga geysan magalaada Laascaanood oo ah meesha uu ka soo jeedo isagu. Ciidanka ugu badan ee uu haystaa waxa ay ka soo jeedaa beesha Reer Jamac Siyaad.
Waxaa isna dhaawac siyaasiyadeed gaarsiisay qadiyada dagaalka reer Laascaanood Ganacsade Maxamed-jabuutaawi kaas oo maanta ku dhawaaqay in uu yahay madaxweynaha ku meel-gaarka ee Khaatumo State. Jabuutaawi oo sheeganayo laandheernimo kana soo jeeda Laascaanood ayaa sheeganaya in jihaadka SSC ay lacag badan uga baxday sidaas darteedna uu yahay qofka xaqa u leh in uu Madaxweyne ka Noqdo Khaatumo State.
Arintaa ayaa waxa ay ka careeysiisay hogaanka gudiga 33da ka kooban iyo guud ahaan Garaadyada beesha Dhulbahante. Hadalka ka soo yeeray Ganacasde Jabuutaawi waxa uu shaki ka dhex abuuray salaadiinta beesha. Waxa uu kaloo rajo xumi ku riday beelaha kale ee ladaga Dhulbahante kuwaas oo u arka in dagaalka Somaliland ku soo dhamaanayo in Dhulbahante kaliya ka faa’iidayo dagaalka looga soo horjeedo Somaliland.
Ugu danbeyntii waxa jira wadahadal hoose oo qaar kamida Garaadyadu la wadaan Maamulka Somaliland, kuwaas oo ka aamusan ka hadallka qadiyada hadana la joogo Garaadyada dhaqanka ee ku sugan Laascaanood. Qaar ka mida Garaadyadaas waaba ka gaabsadeen inay ka hadlaan warbaahinta oo waa ay aamusan yihiin.
Isku soo duub, hadii aan xal deg deg ah loo helin khilaafka iyo shakiga soo kala dhex galay isimida, saraakiisha dagaalka iyo siyaasiyiinta beesha Dhulbahante waxaan shaki ku jirin in halganka reer Laascaanod uu ku dhamaan doono fashil.
Dhanka kale mar alaale marka uu sii dheeraado dagaalka ka socda magalaada Laascaanood waxaa sii kala furfurmaya isbahaysiga ka jira magalaada Laascaanood.