Khilaaf la xiriira shidaal oo hakiyay duulimaadka caalami ah ee Garoonka Aadan Cadde

Reading Time: < 1 minute

Waxaa istaagtay guud ahaan shaqada Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde waxaana sabab u ah Shidaal la’aan Garoonka ka jirta kadib Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ay shaqada ka joojisay Shirkadii Shidaalka geyn jirtay Garoonka Aadan Cadde.

Diyaaro Caalami ah oo ay qeyb ka tahay Qatar Airways iyo kuwa Local ah ayaa Garoonka ku xayiran, waxayna arrintaan bixineysaa sawir oo dalka ku saabsan.

Wasiiru dowladihii Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Caana-nuug ayaa isu casilay khilaaf ka dhashay is hortaagga lagu sameeyay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Waxaa aad u kordhay Musuqa, ku takrifalka awoodaha dowladda, is kooxeysiga iyo mashaariicda oo lagu bixiyo qaab qabiilaysan, iyadoo ay kasii dareyso xaaladda dalka bilooyinkii lasoo dhaafay.

Xalay ayey aheyd markii uu iscasilay wasiiru dowladaha wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Caana-Nuug oo musuq ku eedeeyay wasiirka wasaaradda.