Khilaaf ka dhex curtay saraakiisha ciidanka Somaliland ee gobolka Sanaag

Reading Time: < 1 minute

Wararka inaga soo gaaraya gobolka Sanaag gaar ahaan furimiha adagaalka Somaliland ee gobolkaasi ayaa waxay sheegayaan in khilaaf uu soo kala dhaxgalay saraakiisha Somaliland ugu magacaaban gobolkaasi iyo Saraakiisha taliska guud ee Somaliland.

Taliyaha guud ee ciidamada Somaliland oo xalay guuro kusoo galay Magaalada Ceerigaabo ayaa la sheegay in uu uyeeray saraakiisha sarsare ee kusugan Furimaha dagaalka wallow qaarkood ay ka biya diideen.

Labada Taliye ee kala ah Xuseen dheere oo ah taliyaha Guutada 93 iyo Taliyaha Guutada 116 Xayle Xaaji Diraac ayaa la sheegay in ay si cad udiideen dalabka taliyaha isla markaana ay ka biya diideen in ay ku xaroodaan Ceerigaabo.

waxaa macquul ah in taliyaashaan ay xilkooda kuwaayaan amar diida ay sameeyeen wallow aan la ogayn waxa ay udiideen dalabta taliyaha xilli xiisad cakiran ay kajirto guud ahaan gobolka Sanaag.