Xildhibaanada Golaha Deegaan Degmada Caabudwaaq ayaa mooshin ay qabteen xilka kaga tuuray Gudoomiyihii Degmada Caabudwaaq iyo ku xigigeenkiisiii waxaana arintaas soo dhaweeyey Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid.
Madaxtooyada Galmudug gaar ahaan Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka waxaa u soo dhawaynaya kulanka Golaha Deeganka ee Dagmada Cabudwaaq ay Kalsoonida kala laabteen Gudomiyihii hore ee Dagmada Caabudwaaq iyo kuxigeenkisa.
Dhanka kale qoraal ka soo baxay wasaaradda arimaha gudaha Galmudug ayaa lagu beeniyay, kana horyimid xil ka qaasista lagu sameeyaya gudoomiyaha degamad iyo ku xigeenkiisaa.
Qoraalka ka soo baxay dowlada Galmudug ayaa lagu sheegay sidan:
“Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Galmudug waxay ogaysiinaysa dhamaan Bulshada degmada Caabudwaaq iyo madaxwaynaha Dowladda Galmudug mudane Ahmed Abdi Kaariye in aysan waxba ka jirin qoraalada iyo sawirada la soo galiyay baraha bulshada ee ka hadlahaya mooshinka iyo xilka qaadista madaxda degmada Caabudwaaq.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Galmudug waxay cadaynaysaa in ay been abuur tahay qoraalada lagu xusay xilka qaadista gudoomiyaha iyo Gudoomiye kuxigeenka degmada Cabudwaq.
Waxay sidoo kale wax kamajiraan kadhigaysaa in wax mooshin ah oo waafaqsan sharciga golaha deegaanka, dastuurka dowladda Galmudug, kor joogtaynta wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo xeerarka kale ee jira ay ka dheceen degmada Caabudwaaq.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayada oo fulinaysa sharciga golaha deegaanka ilaalinaysana dastuurka dowladda galmudug waxay tilaabo ka qaadidoontaa qaswadayaalkii ka dambeeyay been abuurka lagu faafiyay baraha bulshada.
Waxaa sidoo kale wasaaraddu haayadaha dowladda u gudbindoontaa masuuliyiinta kulugyeelata abaabulka iyo xasiloodidarada Golaha deegaanka degmada caabudwaaq.
Ugu dambayn wasaaraddu waxay faraysaa maamulka degmada caabudwaaq in ay si hufan u gutaan waajibaadkooda.
Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug ayaana Soo Dhaweeyey Xilka Qaadistaan Halka Qoor Qoor iyo Waasaarada Arimaha Gudaha Galmudug ka Horyimaadeen Xilka Qaadistaan .”