Reading Time: 2 minutes

Sida ilo wareedyo ka tirsan xafiiska RW Xasan Cali Kheyre aay noo sheegeen waxaa muran weyn ka taagan yahay isku shaandheynta la qorsheeyay in lagu sameeyo golaha wasiirada JFS, taasoo qorshuhu aha in lagu dhawaaqo maanta oo Jimco ah balse dib loo dhigay muddo usbuuc ah sida ay ilo wareedyada noo xaqiijiyeen.

Waxaa muran ka taagan yahay xil ka qaadista Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad oo dad badani u arkaan in uu yahay Wasiirkii ugu kartida yaraa ee soo mara wasaaradda, taasoo uu weliba ku darsaday fudeyd, hadal badan, iyo xishood la’aan joogta ah uu kula kaco falal aan diblomaasiyadda waafaqsaneyn marka uu la kulmo diblomaasiyiinta caalamka.

MUDADA KA HARSAN XILKA XAFIISKA MADAXWEYNE FARMAAJO
349 days
22 hours
01 minutes
26 seconds

Fahad Yasin ayaa ka biyo diiday in xilka laga qaado Axmed Ciise Cawad waana caqabadda taagan ee dib u dhigtay isku shaandheyntii maanta. Waxaa sidoo kale muran ka taagan yahay ciddii lagu bedeli lahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye, waxaana RW Kheyre qorsheynayaa in uu magacaabo Danjire Cawaale Cali Kullane halka Madaxweyne Farmaajo uu rabo in xilkaas loo magacaabo shaqsi kale oo ka soo jeeda beesha Sacad oo aanay noo suurto gelin in aan helno magaciisa.

RW Xasan Cali Kheyre aya raba in Wasiirka Arrimaha Dibadda loo magacaabo shaqsi ka soo jeeda beesha Ogaadeen, balse waxaa arrintan ka biyo diiday Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yasin sida xogta ay sheegeyso.

Waxaa maalmaha soo socda lagu rajo qabaa in xal laga gaaro isku shaandheynta laguna dhawaaqo muddo aan fogeyn.

Wasiirada la isku afgartay ee soo galaayo Golaha Wasiirada ayaa kala ah.

  1. Xildhibaan Nuur Idow Beyle.
  2. Gen. Cabdiraxman Tuuryare.
  3. Danjire. Cali Saciid Faqi

 

Waxaa xilalkooda Wasiirnimo weyn doona:
  1. Axmed Ciise Cawad (Wasiirka Arrimaha Dibadda)
  2. Cabdullaahi Goodax Barre (Wasiirka Waxbarashada)
  3. Xasan Xuseen Xaaji (Wasiirka Caddaaladda)
  4. Cabdullaahi Cali Xasaan (Wasiirka Ganacsiga)
  5. Cabdi Maxamed Sabriye (Wasiirka Arrimaha Gudaha)

Waxaa sidoo kale lagu wadaa in la magacaabo safiiro cusub iyadoo lagu wado in safiiro dhowr ah ay xilalkooda weyn doonaan. Safiirada xilalkooda weyn doona aya waxaa ka mid Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya, Maxamed Nuur Tarsan, waxaana sidoo kale safiiro cusub loo magacaabaya dalalka Imaaraadka Carabta, Sucuudiga iyo Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here