Khilaaf hor leh oo ka dhex bilowday MW Farmaajo, Xalimo Yarey & Guddoonka labada aqal ee BJFS.

MUDADA U HARSAN XILKA MADAXWEYNE FARMAAJO
6 5 days
0 9 hours
3 3 minutes
5 4 seconds
Reading Time: 3 minutes
Tirinta maalmaha uga harsan xafiiska Madaxweynaha Maxamed Farmaajo.
MUDADA U HARSAN XILKA MADAXWEYNE FARMAAJO
6 5 days
0 9 hours
3 3 minutes
5 4 seconds

Guddoomiyaha Guddiga Madaxbannaan ee Doorashada Qaranka (GMDQ) Marwo Xaliima Ismail “Xaliima Yarey” ay 27 Maajo 2020 hortegi doonto Barlamaanka federaalka si ay ugu sheegto qabashada iyo qaabka fulinta doorashada 2020/2021 ama in waqti dheeraad ah loo baahan yahay (kordhin muddo xileedka BF iyo Madaxweynaha).

Ilo wareedyo ka tirsan Villa Somalia aya MOL u sheegay in MW Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu u sheegay Wakiillada beesha caalamka inuu saxiixay sharcigii Doorashada hal qof hal cod 2020, GMDQ uu mas’uul ka yahay fulinta sharciga, haddii beddel ama ku noqosho loo baahan yahay-na in Barlamaanka Federaalka ku shaqo leeyahay. Sidaa darted, aysan jirin sabab uu Madaxweyne ahaan arrimaha doorashada 2020/2021 uga hadlo beesha caalamka, dowlad goboleedka, mucaaradka, iyo cid kale.

Dhinaca kale, waxaa la og yahay in sharciga doorashada ee Barlamaanka federaalka ansixiyay, Madaxweyne Farmaajo saxiixay uu yahay sharci laalan kala dhimman ah, kaddibna guddoonka labada aqal ee Barlamaanka Federaalka u magacaabeen guddi ka soo shaqeeya qodobbo hortaagan dhaqangelinta Sharciga.

Haddaba sida MOL ay ogaatay waxaa Guddiga labada aqal ee Baarlamaanka ee loo xil saaray ka talo bixinta afarta (4) Qodob oo muhiim u ah doorashada dhawaan la filayo ayaa soo bandhigay war bixin horudhac ah maalintii shalay ahayd:
  1. Maqaamka Muqdisho; in Sida Dastuurka ku qoran loo daayo
  2. Xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliland; in laga soo doorto 17ka degmo ee Gobolka Banaadir
  3. Qoondada Dumarka; in tirada dumarka ah ee labada aqal Sida ay hadda tahay loo daayo.
  4. Kursi kasta oo Baarlamaanka; waxa lagu qoray degmo ka mid ah 18kii gobol in laga soo doorto.
Labada Guddoomiye ee labada aqal ee BJFS Mudane Maxamed Mursal iyo Mudane Cabdi Xaashi waxa ay ka biyo diideen warbixinta, iyagoo u arkay inay tahay wax ay Madaxtooyadu soo dhoodhoobtay, halkaas oo la isku dhaafsaday hadalo kulkulul oo aan munaasab ahayn.

Waxaa kaloo Barlamaanka federaalka uusan ansixin sharcigii Xisbiyada oo Xisbiyada magac u yaalka looga dhigi lahaa xisbiyo rasmi ah. Waxaa kaloo dhimmaan xeerar, diiwangelin, xoreyn dhul ballaaran ee gogol xaar u ahaa fulinta sharciga doorashada halka qofka iyo halka codka.

Arrimaahaas iyo kuwo kale oo ay ugu daran tahay khilaafka ka dhex aloosan dowladda federaalka iyo dowlad Goboleedyada waxay abuureen shaki laga qabo in Dowladda federaalka aysan rabin in 2020/2021 Doorasho xalaal ah dhacdo.

Madaama GMDQ aan loo gudbin sharciyo dhamneystiran iyo maaliyad ka hor muddo ku filan qabanqaabada doorasho xalaal ah watigeeda ka hor, ma garanayo sababta Guddoomiyaha ama xubnaha GMDQ u hortagayaan Barlamaanka Federaalka taaso ka baxsan waajibaadkooka shaqo.

Guddigii Barlamaanka Federaalka ayaa laga rabaa inay gutaan waajibkiisa tifaftirka sharciga, markaa kaddib dowlad Goboleedyada, Xisbiyada siyaasadda, bulshada ra’yidka, aqoonyahannada, warbaahinta ayaa laga rabaa inay ka falceliyaan ka hadlaan dhaqangelinta sharciga dhammeystiran, GMDQ u soo bandhigo dadweynaha soomaaliyeed habka dhaqangelinta sharciga ayadoo aan loo baahneyn inuu hortago Barlamaanka federaalka.

Waxaan qabaa in GMDQ aysan lugta la gelin arrin ku jirta talo siyaasadeed, sharci, iyo miisaaniyadeed.

Ma jirin sabab labada aqal ee Barlamaanka Federaalka u ansixiyaan sharci qabyo ah, aysan caddeyn fulintiisa, isla markaana ka gaabiyeen inay waqti hore dhamneystiraan sharciyada iyo xeerarka iyo maaliyadda looga baahan yahay fulinta doorasho xalaal ah ee waqtigeeda ku dhacda.

Waxaa siyaasiyiin badan iyo beesha caalamka aay kula taliyeen Guddoomiyaha GDMQ Xalimo Yarey in ay ka fiirsan doonto inay hortagto Barlamaanka federaalka, kuna ekaan doonto xuduudda sharciga iyo hab dhaqanka nidaamka dowladeed u dhigay guddiga doorashada.

Doorasho