Khilaaf cusub oo ka dhex Qarxay labada Garab ee Siyaasiyiinta Waqooyi (Eedeyn loo jeediyey Mahdi)

Reading Time: < 1 minute

Waxaa soo shaac baxay khlaafka ba’an ee ka dhex taagan labada Garab ee Siyaasiyiinta kasoo jeeda Beelaha Waqooyi ee ay kala hoggaaminayaan Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi iyo Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxmaed Guuleed.

Khilaafkan ayaa qarxay maanta markii garabka Cabdi Xaashi ay saxaafadda la wadaageen War-saxaafadeed ay ku faahfaahiyeen kulmadii dhex maray labada garab oo lagu caddeeyay in la isku mari waayey qeybsiga Guddiyada Doorashada, laguna eedeeyay Mahdi Guuleed inuu diidan yahay, kana shidaal qaato Maxamed Farmaajo.

Golaha Siyaasiyiinta Somaliland garabka uu hoggaamiyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa difaacay war-saxaafadeedkooda, kuna eedeeyay in Garabka uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mahdi Guuleed in laga hago meel kale oo anay dooneyn heshiis.

Waxay Qoraalkooda ku soo bandhigeen 3 qodob oo is-afgarad laga gaaray iyo qodob uu diiday, shirkana uga baxay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka, kaasoo ku saabsan dhismaha Guddiyada doorashooyinka oo ay labada dhinac u soo dhisaan si isla eg, heshiisna lagu yahay.

Mahdi Guuleed ayaa si degdeg uga ajwaabay qoraalka la faafiyey, wuxuuna farriin uu soo diray ku yiri; “Warqaddan la wareejinaayo waxba kama jiraan.Waa been aan sal iyo raad toona lahayn”.

Shirkii u dhaxeeyay labada Garab ayaa u muuqda inuu natiijo la’aan iyo is eedeyn kusoo dhammaaday, waxaana hadda socda dadaallo lagu doonayo in lagu badbaadiyo burbur ku yimaada waanwaanta u dhaxeysa labada dhinac.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa kulan la leh Ra’iisal wasaare Rooble iyadoo arrintan ay tahay tan ugu culus ee xilligan loo raadinayo xalka ee hortaallada madaxda ku shirsan magaalada Muqdisho.