Khilaaf cusub oo ka dhex abuurmay isku darka ciidamda Ahlu Sunna & kuwa DF

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imanaya magaalada Dhuusamareeb ee Maamul Goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in uu bilowday khilaaf soo kala dhex galay RW Kheyre iyo hoggaamiyaha Ahlusunna kaasoo ku aadan sidii la isugu dhafi lahaa ciidamada Galmudug iyo ururka Ahlu Sunna.

Khilaafkan ayaa salka ku haya ciidamadii Ahlu Sunna gaar ahaan kuwii deegaanka Xeraale ee dhowaan lagu wareejiyay Ra’iisul Wasaare Kheyre lana qarameeyay oo diiday inay tababar ku qaataan xarun tababar oo dowlada federalka ka furtay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Sababta ay u diideen ciidamadan in ay ka mid noqdaan ciidamada tababarka galaya ayaa lagu sheegay inay tahay iyadoo hore dagaalo u dhex mareen ciidamada ahlu sunna ee deegaanka Xeraale iyo weliba ciidamada Maamulka Galmudug ee xaruntoodu ahayd degmada Cadaado.

Dowlada Federalka ayaa qorsheyneysa in maleeshiyaadkii hore uga mid ahaa ururka Ahlu Sunna in ay tababaro u sameyso isla markaana ay ka howlgalaan deegaanada Galmudug.