Waxa labadii asbuuc ee la soo dhaafay ka jiray baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle khilaaf la xiriira xubna la sheegay in lagu kordhinayo baarlamankaas. Xildhibaannada Baarlamaanka DG Hir-Shabeelle ayaa isku heysta dood ka dhalatay sida loo maamulayo 17-Xubnood oo ah Kuraas loo qoondeeyay Haweenka, isla markaana lagu saleeyay saamiga Dumarka laga siinayo Laanta Xeer Dejinta, guddiga Dastuurka ee Baarlamaan-goboleedka Hirshabeelle ayaa Dec-2019 waxa uu soo jeediyey in dib u eegis iyo wax ka beddel lagu sameeyo Qodobka 29aad ee Dastuurka KMG dowlad-goboleedka Hirshabeelle ee Ergadu ansixisay 5ta Oktoobar 2016 ayaa dhigaya in tirada Baarlamaanka Hirshabeelle ay tahay 117, guddiga ayaa sidoo kale u soo jeediyey Baarlamaan-goboleedka Hirshabeelle in tirada Baarlamaanku sii ahaato 99 xildhibaan oo 30% ay tahay Haween.
Qodobka 29-aad: Golaha Sharci-dejinta
-
- Golaha Sharci-dejinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle ayaa masuul ka ah Sharci-dejinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, awooddooda xileedna waa sharci-dejin, kormeeridda xukuumadda iyo Matalaada Shacabka Hirshabelle.
- Golaha Sharci-dejinta waxa uu ka kooban yahay 117 Xildhibaan, xildhibaannada waxaa soo dooranayo shacabka Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle.
Dhanka kale, Dastuurka Hirshabeelle dhigayo in Tirada Baarlamaanka Hirshabeelle tahay 117 Mudane haddana laga soo billaabo 2016 Baarlamaanka Hirshabeelle waxa uu ku shaqeynayey 99 xildhibaan. Guddiyada Baarlamaanka ee ku shaqada leh maamulka iyo maamuuska ayaa Shirar iyo doodo ka sameynaya sida laga yeelayo hab maamulka loo marayo & qorshaha guud ee lagu saldhigayo saamiga haweenka.
Xulista Baarlamaanka labaad ee DG Hir-Shabeelle oo aan muddo dheer qaadan waxaa ka dhiman kuraas la sheegay in ay leeyihiin Dumarka, waxaana haatan ka taagan muran hareeray shaqsiyaadka la siinayo & sida beelaha ay u kala qaybsanayaan sida ilo xog ogaal ah ay Mustaqbal u sheegeen. Xildhibaannada qaar ayaa soo jeediyay in la kordhiyo Baarlamaanka si Beelaha loo kala gaarsiiyo kuraasta, iyada oo laga fogaanayo muranka oo daba-dheeraada, halka qayb kale ay ku doodeyso Dumarka oo keliya la siiyo, habka beelaha loo kala siinayo lagu saleeyo kuraasta kuwa la siiyay Shahaadada.
Si kastaa oo ay noqotaaba, haddii la ogolaado 17-ka xubnood ee Baarlamaanka DG Hir-Shabeelle waxa uu tiro ahaan Gaarayaa 116-mudane, taas oo tiro beel ka dhigeysa Baarlamaanka labaad ee Hir-Shabeelle oo haatan shaqeynaya ku dhawaad 3-Bilood, shaqadooda marka laga reebo doorashada waxa ay ka bilaabeen muddo dheereysi ay sameysteen.