Khilaaf adag oo kataagan soo xulista Xildhibaanada cusub ee Maamulka Galmudug

Reading Time: < 1 minute

Khilaaf xoogan ayaa lagu soo waramayaa inuu ka tagaan yahay Odayaasha saxiixayaasha ah ee soo xulaya Baarlamaanka cusub ee maamulka Galmudug, kuwaasi oo dhawaan lagu xareeyay Magaalada Dhuusamareeb.

Warar laga helayo ayaa sheegaya in Khilaafka uu u dhexeeyo qaar kamid ah beelaha dega deegaanada Galmudug, kuwaasi oo isku heysta Odayaasha usoo xuli doono Xildhibaanada Cusub ee Galmudug.

Guddiga farsamada maamul dhisida Galmudug oo ay magacaawday Dowladda Federaalka ayaa ku guuldareystay inay xaliyan Cabashada ay qabaan qaar kamida beelaha deegaanadaas wadda degan.

Oayaashii soo xulay Xildhibaanadii Baarlamaanka Galmudug ee waqtigoodu dhamaaday ayaa haatan doonaya inay soo xulaan Xildhibaano Cusub, hayeeshee waxaa odayaashaas lagu eedeeyay in aysan aheyn kuwo sax ah oo u diiwaangashay dowladda.

Ilo wareegyo ayaa sheegaya in Magaalada Dhuusamareeb haatan ay kuwada sugan yihiin Odayaal iska soo horjeeda, isla markaana kala matalaya qaar kamid ah beelaha Galmudug.

Arrintaan Khilaafka ah ayaa u muuqata mid caqabad hor leh ku ah dhimaha Galmudug oo loo dhan yahay, iyadoona ay xusid mudan tahay in weli cabasho weyn ay qabaan Hoggaanka Ahlusunna Waljameeca oo culeysan weyn ku heyso dowladda Federaalka.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!