Reading Time: 2 minutes

MOL ayaa  waxa ay shalay la wadaagtay aqristayaasha in Xasan Cali Kheyre uu ku jiro Cisbitaal ku yaala magaalada Doha ee dalka Qatar halkaas oo lagu daaweynayo. Qoraalkii shalay ayaa waxa aan ku sheegnay in Kheyre oo ka maqan dalka mudo ku dhaw shan cesho aan laga haynin wax aqbaar iyo sawiro ah toona, taas oo ah astaamo  aan horay looga baray in uu sameeyo, gaar ahaan marka uu safrayo.

Xasan Kheyre ayaa ah shaqsi ku dheereeya beenta iyo indha sarcaadinta shacabka. hadaba isaga oo ka falcelinaya qoraalkii ay shalay daabacday MOL ayuu waxa uu maanta soo dhigay bartiisa Twitter sawir oo ku sheegay in uu yahay kulan uu la qaaday Ra’iisal Wasaare ku Xigeenka dalka Qatar, Shiikh Maxamed Cabdiraxmaan.

Hadaba MOL oo baaritaan ku sameeysay sawirka la sheegay in shalay lagu qaaday magalaadda Doha  ayaa waxa ay xaqiijisay ah sawirkaa yahay mid been abuur ah. Sawirka ayaa waxa la qaaday sanadkii hore markii uu Kheyre ka qayb galay kulanka loo yaqaano Doha Forum.

Sawirka ayaa lagu qaaday qol yar oo aan ahayn xarunta Wasaarada Arimaha Dibada ee dalka Qatar ama xafiiska Wasiirka oo ah xafiis caan ah oo laga yaqaano dalka Qatar iyo guud ahaan caalamka.

Kheyre ayaa inta uu joogay Doha waxa laga qariyay shaqaalaha Safaaradda Soomalida ee Qatar, waxa uu dansaday gabi ahaan taleefanadiisa u gaarka ah, xataa ma jirto meel ay shaqaalaha  xafiiskiisa  kala xariiri karaa hadii ay dhacdo arimo deg deg ah. Waxaa gabi ahaanba uu diiday in warbaahinta Soomaalida iyo tan Qatar ay ka duubaan Video ama ay sawiro toos ah ka qaadan.

Dhanka kale, waxaa yaab la noqotay umadda Soomaaliyeed, Xasan Kheyre oo dalka “shaqo uga maqan” iyada oo lagu jiro  asbuucii xuriyadda, xaalada Siyaasadeed dalkana ay marayso meel xun. Waa maxay muhiimida keeni karta in uu dalka maqnaado waqtigaan xasaasiga ah.

Waxaa nasiib xumo ah in Xasan Kheyre oo la ildaray xanuun uu isku dayo in uu indha sarcaadiyo shacabka Soomaaliyeed, Wax dhibaato ah ma laha in uu ka run sheego xaalada caafimaad ee uu ku jiro, isaga oo sheegaya in uu  u tagay dalka Qatar arimo caafimaad.

Wararka qaar ayaa sheegaya in laga yaabo in Kheyre loo gudbiyo dalka Norway, hadii Cisbitaalada dalka Qatar ay wax ka qaban waayaan xanuunkiisa.