Kheyre oo safiir u magacaabay imaaraadka iyo Axmad Global oo laga taqalusay

Reading Time: 2 minutes

Xasan Kheyre ayaa waxa uu magacaabay  safiirka cusub ee Soomaaliya u fariisan doono dalka Imaaraadka Carabta. Qoraal qarsoodi ah oo loo diray dowlada Imaaraadka mudo laga joogo sadax asbuuc ayaa waxaa safiir loo magacaabay Xasan Xundubeey Jimcaale oo ehel hoose la ah Wasiirka Aminiga Ducaale, isla markaana ka mid ah kooxda Ictisaam ee madaxdooda ka mid yahay Fahad Yasin.

Kheyre oo wato qorshooyin uu kaga taqalusayo dhamaan mas’uuliyiinta ku dhaw-dhaw Farmaajo ayaa go’aansaday in uu ka wareejiyo dalka Imaaraadka kusimaha Safiirka  Ahmed Daahir Mohammed (Axmad Global) oo mudo ka badan 15 sano ku soo jiray arimaha diplomaasiyadda.

Safiir Axmad  ayaa lagu badalay shaqsi aan waligiis mas’uuliyad dublamaasiayeed iyo mid dowladeed soo qaban. Xasan Xundubeey waligiis shaqo joogta ah ma soo qaban waxa uu inta badan ku shaqeeysan jiray xirfada Wariyanimada Inkastaa uusan taa ka gaarin mustawo sareeya, wuxuuna shaqo wadaag la ahaa Fahad Yasin oo ay kawada tirsan yihiin kooxda Ictisaam. Waxa labadoodaba ay ka soo shaqeeyeen Telefishinka Al Jazeera.

Shaqadii ugu danbeeysay ee uu qabtay waxa ay ahayd in uu hogaamiyo barnaamija Doodwadaag  ee uu ka dhintay wariye Cawil Dahir Salaad, iyadiina waa laga ceyriyay ka dib markii uu wadi waayay.

Hadaba waa maxay ujeedada uu Xasan Kheyre ka leeyahay magacaabista qof aan aqoon iyo waayoaragnimo u lahaynin arimaha dublamaasiyadda, gaar ahaan in uu magacaabo dal muhim u ah Soomaaliya sida dalka iskutaga Imaaraadka Carabta.

Dhanka kale sidee buu ku ogolaaday Farmaajo in masuul aqoon durugsan u leh diblomaasiyadda muddo badana soo hayay Safaarada in la ceyriyo oo lagu badalo qof aan waligii xafiis dowladeed fariisan.

Dhanka kale Xasan Kheyre oo taageero ka haysta Marwada Madaxweynaha Marwa Seynab Macalim ayaa  waxa uu Kheyre shaqada ka ceyriyay dhamaan aqoonyahanadii beesha uu ka soo jeedo madaxweyne Farmaajo, kheyre waxa kale oo uu horay u cayriyay ama uu u diiday shaqo ay xaq u lahaayeen agaasimayaal iyo madax kale oo uu ku jiro agaasimahii  hore ee wasaaradda Batroolka iyo musharaxii gudoomiyaha Bangiga Dhexe Dr. Cabdirisaaq oo ku guulaystay imtixaankii shaqada.

Wali lama iga in dowlada Imaaraadka ay soo aqbali doonto shaqsi horay ugu shaqayn jiray idaacada Al Jazeera.