Kheyre oo qirtay in $4.3 Milyan uu ku soo qarash-gareeyay Galmudug

Reading Time: 2 minutes

Mudo 45 cesho oo uu Xasan Kheyre ku sugnaa magalada Dhuusamareeb isaga oo booqasho gaaban ku tagay magaalooyin ka tirsan Galmudug ayaa waxaa ku baxday safarkaas lacag $4.3 Milyan. Xasan Kheyre ayaa  qirtay qarashka kaga soo baxay Galmudug.  Waxa uu “hadii aan qarashkaa la heli lahayn waxbadan nooma qabsoomi lahaynin.

Lacagtaa ayaa inteeda badan waxaa ay ahayd mid lagu sheegay in ay ku baxday amaanka, raashinka, iyo sooryada Ra’iisal Wasaaraha iyo wafdigiisa intii ay ku sugnaayeen magaalada Dhuusamareeb.

Dhanka kale Xasan Kheyre ayaa u isticmaalay safarkiisa in uu ka dhigto fursad uu lacag ku aruursado isaga oo u isticmaalaya fursada safaraka waxa afka qalaad lagu yiraahdo “embasslement”oo ah in lacag lagu  qoray inay ku baxday shacabke reer Galmudug uu isaga dib ugula soo noqdo magalaada Muqdisho.

Dhanka kale lacagahaan ayaa qayb ka mida lacago si xoog leh looga soo bixyay qasnada Gobolka Banaadir. Habeenkii Isniinta ee bisha Juulaay ahayd 22ka oo ah labo cesho ka hor inta aan la isku qarxin Eng Yarisow, Xasan Kheyre ayaa qadka taleefanka ku soo wacay Yarisow isaga oo ku amray in lacag $250,000 uu diyaarad soo saaro. Yarsow alaha u naxariistee ayaa si degan ugu sheegay in ay gobolka miisaaniyad badan ku bixyay Galmudug sidaas darteedna ku haboontahay in “isaga iyo MW Farmaajo”kawada tashadaaan lacagaha ka soo baxaya qasnada Gobolka Banaadir.

Sida ay xaqiijiyeen dad la joogay Eng Yarisoow habeenkii Kheyre soo wacayaya ayaa xaqiijiyay in Xasan Kheyre  oo aad u xanaaqsan ku yir Eng. Yarisow aniga ayaa ku xukuma ee Farmaajo kuma xakumo, ka dibna isaga oo xanaaqsan uu ku damayay taleefanka.

Dhanka kale bishii 13 Juulay waxa magalaada Dhuusamareeb safar ku tagay wafdi ka socday dowlada Qatar kuwaas oo la rumaysan yahay in ay lacag ugu geeyeen Xasan Kheyre magaalada Dhuusamareeb.

Sidoo kale bishii Juulaay labadeeda waxaa diyaarad qaas ah lacag u  gaysay magaalada Dhusamareeb lacagtaas oo ahayd  $500,000 oo doolar taas oo lagu soo qaaday labo boorso waxaana lacagtaa gaarsiiyay Kheyre nin ganacasato ah oo lagu magacaabo Ismaaciil Gooni.

Waxa iyadana jira lacago kale oo laga soo qaaday shirkadaha Shidaalka ee danaynayo Galmudug kuwaas oo aad u danaynayo in degaankaas hogaan iyaga ka amar qaata loo magacaabo.

Madaama dalku aanu ka jirin baarlamaan la xisaabtamaya Xukuumada Xasan Kheyre iyo hantodhow madax banaan, Xasan Kheyre waa uu sii wadi doonaa in uu hantida dalka uu ku tagri falo.