Ka dib markii mudo ka badan 45 cesho la isku horfadhiyay magaalada Dhuusamareeb ka dib markii kooxda Al Sunna diiday in ciidan shisheeye la keeno magalaada Dhuusamareeb ayaa saakay waxa lagu qasbay Xasan Kheyre oo doonayo in uu isaga soo dhexbaxo fashilka uu abuuray waxa uu ogolaaday in amaanka magalaada Dhuusamareeb looga danbeeyo ciidanka Al Sunna Wajameca halka dowlada Fedaraalkana ay ku soo darsan doonto tiro kooban ee ciidan.
Ciidankaas ayaa waxa ay noqon doonaan ciidan lagu sheegay ciidan isku dhaf ah. Taliska ciidankaas ayaa waxa ay hoos imaan doonaan taliye ka socda kooxda AL Sunna Wajameeca. Dhanka kale Xasan Kheyre ayaa waxa loo sheegay in AL Sunna ayan marnaba ogolaan doonin in ciidan shisheeye la keeno degaanka Al Sunna Wajameeca.
Ciidanka tirada badan ee Al Sunna waxa ay ay joogi doonaan duleedka magalada Dhuusamareeb iyo dhaamaan goobaha laga soo galo Dhuusamareeb iyaga oo awood u lahaan doono in ay ciidankaas celin karaan kana horatgi doonaan cid kastaa oo ay u arkaan in ay khatar ku tahay amaanka Dhuusamareeb taas oo macnaheedu yahay ka hortaga Ciidan waxaa dowlada Fedaraalkja ah oo laga yaab in ay mustaqbalka la keeno magaalada Dhusamareeb.
Kooxda Al Sunna aya wali rumaysan in Xasan Kheyre doonayo in uu khaqayaano shacabka iyo kooxda Al Sunna Wajameeco.
Waraiyaha MOL ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb oo la hadlay qaar kamida odoyaasha dahaqanka ee ku sugan Dhuusamareeb ayaa sheegay in talaabada uu qaaday Xasan Kheyre ayan marnaba keeni doonin kalsooni ay beelaha Galmudug ku yimaadaan magaalada Dhuusamareeb laakiin waxa ay isaga siinaysaa marmarsiiyo uu uga soo baxo Dhuusamareeb guulna aan fogaynina u sheegto.