Kheyre oo ogolaaday in amniga Dh/mareeb faraha looga qaado Al Sunna

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb waxaa labada dhinac isla gaareen wax lagu tilmaamay isfaham hor dhinac ah.

Isfahamankaan oo aan wali la cadaynin ayaa yimid kadib markii maalmihii dambe uu khilaaf u dhexeeyay.

Xasan Kheyre oo doonayo si uun in uu guul u sheegto isla markaana uga soo baxsado fashilka uu ku jiro ayaa u ogolaaday in uu taabagaliyo codsiyadda Macalin Maxamuud.

Kheyre ayaa markii hore qorshaynayay in uu ciidan geysto Dhuusamareeb ka dibna loo adeegsado in la soo xiro hogaanka Al Sunna kuwaas oo  markii hore uu u muujiyay in taageersan yahay Mowqifka Al Sunna.

Madaxda Ahlusuna iyo R/Wasaare kheyre ayaa isla gartay in aminiga magaalada Dhuusamareeb looga danbeeyo kooxda Al Sunna  isla makraana ciidanka dolwada ka geeyo magaalada banaankeeda iyaga oo ka amar qaateen saraakiisha Al Sunna.

Dhanka kale waxa aan wali cadaynin go’aanada laga gaaray  dhamaan go’aanada la xiriira Mustaqbalka Galmudug.

Waxa adkaandoonta sida Xasan Kheyre loo aamini doono maadaama uu been iyo balanfur badan ku sameeyay dhamaan madaxdii uu heshiisyada horay ula galay labadii sano ee la soo dhaafay.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa magaaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb laga celiyay diyaarado waday ciidamo ka tirsan dowladda, kadib markii ay ka ambabaxeen Magaalada Muqdisho.