Kheyre oo mar kale ka been abuuray miisaaniyadda Dowlada

Reading Time: < 1 minute

Xassan Kheyre oo looga bartay hadalo isdiidaya iyo been abuur isku noq-noqanaya ayaa marka kale shalay waxa uu sheegay hadal been ah oo aan ka tarjumaynin xaqiiqda miisaaniyada dalka.

 Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay kororka dhaqaalaha soo gala dowladda Soomaaliya iyo hoos u dhaca deymo uu sheegay in lagu lahaa dowladda Soomaaliya.

Xasan Cali Kheyre ayaa ku fanaay  in markii xukuumadiida la wareegtay maamulka dowladda Soomaaliya lagu lahaa 100 Milyan oo deyn ah, deyntaasi oo uu ku sheegay in ay ahaayeen mushaaraadka ciidanka oo la bixin waayay iyo qandaraasyo shaqsiyaad loo saxiixay.

Hadalka ka soo yeeray Kheyre ayaa ah been abuur. Sidoo bey isku qabanaysaa hadalka oranaya “miisaaniyad badan ayaa soo xirootay, hadana mushaarka shaqaalaha ma bixin karno”.  Dhanka kale yaa la siisay lacagta 1$00 Milyan oo uu sheegay in  dowlada dayn ku bixisay? Goormee la bxiyay? Side baa loo bixyay?

Hadalkaan been abuurka ah  ayuu ka jeediyay kadib kulan uu la qaatay ganacsatada Soomaaliyeed oo uu kala hadlayay sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha dalka iyo bixinta canshuuraha ay bixiyaan ganacsatada Soomaaliyeed.

Hadalka Xassan Kheyre  ayaa ku soo aadaya xilli todobaadyadii la soo dhaafay oo shalay ay ugu dambeysay ay jireen Ciidamo ka cabanaya mushaar la’aan, kuwaas oo sheegay in mudo 4 bilood ah aysan qaadan.