Baarlamaanka Puntland oo ka horyimid keenista Konteenarada dekedda Berbera

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imaanaya Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegaya in  Golaha wakiilada Dowlad Goboleed Puntland ayma anta cod aqlabiyad leh ku diideen in Konteenarada laga soo dejiyo dekedda Berbera ee Somaliland la keeno degaannada Puntland uu ka aramiyo.

Xildhibaanada ayaa  sheegay in iyaga oo fiirinaya danaha Puntland ay u arkaan Konteenarada laga soo dejiyo Berbera in ay curyaamin ku yihiin dekedda Magaalada Boosaaso oo laf dhabar u ah ganacsiga Puntland sida ay sheegeen Golaha Wakiilada Puntland.

Dhanka kale Baarlamanka ayaa sidoo kale u codeeyay in canshuur xad-dhaaf ah oo u dhiganta %500 la saaro badeecadaha aan daruuriga ahayn ee ka yimaada Somaliland si dekada Boosaaso looga soo dejiyo badeecooyinka kala duwan.

Wasaarada Maaliyada Puntland ayaa horay u soo jeedisay in Canshuur Dheeraad ah la saaro Badeecada aan daruuriga aheyn ka soo degta Dekada Magaaladda Boosaaso.