Kheyre oo  laga dhacay lacag uu ku qarsaday dalalka Kenya iyo Itoobiya! Yaa ka dhacay?

Reading Time: 2 minutes

Xasan Cali Kheyre ayaa safar aan horay loo shaacin ku tagay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Waxa uuna halkaas ku sugan yahay mudo ka badan asbuuc. Sida MOL u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay Xasan Kheyre ayaa lacago uu ku qarsaday dalka Kenya waxaa si farsameysan ugala wareegay Ganacsato isugu jira Soomaali iyo Kenyaan.

Kheyre ayaa waxa uu horay  uga furtay dalka Kenya ganacsi ujeedadiisu ahayd in lagu dhaqo lacagaha laga soo dhacay dalka Soomaaliya. ganacasiyadaan ayaa igu jiray mid dhulal kala duwan lagu iibsaday, makhaayado  iyo qaar la sheegay in lagu furay ganaci la xiriira Ceymiska gawaarida iyo guryaha.

Lacagtaas ayaa waxa gacanta ku hayey qareen lagu magacaabo Adan Daaud iyo shaqsiyaad ehel la ah Xasan Kheyre. Lacagta oo lagu qiyaasay inay gaareyso malaayiin doolaar  ayaa isugu jirtay mid cadaan  ah oo tiilay bangiyo, kuna qornaayeen magacyo kala duwan  iyo qaar  gacansi la galiyay oo lagu maalgaliyay dalalka Itoobiya iyo Kenya.

Sida xogta MOL heshay sheegeyso  lacagahaas iyo ganacsigaas ayaa si farsameysan loogala wareegay Xasan Kheyre. Isaga oo ka wal-walsan lacagahaas laga dhacay Kheyre ayuu si deg deg ugu safray  dalka Kenya si uu ceymiyo lacagaha kale ee ku maqan Aadan Daauud iyo ganacsatada kale.

Kheyre ayaa qabsaday qareeno, inkastaa  oo markii danbe uu ka tanaasualay in dacwo ku qaado dadka uu ku tuhamayo inay lacagtaas ka dhaceen sababo la xiriira in uusan isaga cadeyn karin sida ay lacagtaas ku soo gashay markeedii hore.

Kheyre ayaa codsaday  in odoyaasha dhaqanka beelaha Dagoodi iyo Murusade ay arintaan galaan si ka baxsan sharcigana loo xaliyo. Wali ma cado in lacagta laga dhacay Kheyre uu heli doono iyo inkale, waxa uuna isku dayay in uu shacabka ka qariyo dhibataada soo wajahday isaga iyo ganacsato ay isku beel yihiin.

Dhanka kale ma jirto dowlad Soomaaliyeed oo la xisaabtameyso Xasan  Kheyre iyo halka uu lacagta intaa la  ka keenay.