Iyada oo maalimba maalinta ka danbeeysa ay soo muuqanayso in Madaxweyne Axmad Madoobe dib loo soo dooranayo ayaa Xasan Cali Kheyre waxa uu 72dii saac ee u danbeeysay dardar galyay sidi uu dib ugu soo celin lahaa xiriirka ka dhaxeeya isaga iyo Madaxweyne Axmad Madoobe.
Sida ay MOL u xaqiijiyeen ilo ku dhaw labada dhinac kuwaas oo u kala dabqaadayay labada dhinac, Kheyre waxa uu labadii maalin ee u dabbeeysay la hadlaayay Madaxweyne Axmad Madoobe si joogta ah isaga oo iska beri yeelayo dagaalka ku sacda Jubbaland.
Xasan Kheyre oo la filayo in uu bilaha soo socda ku dhawaaqo in uu u taagan yahay tartanka jagada madaxweynaha Soomaaliya ayaa doonayo in uu la sameeysto cilaaqaad gaar ah Madaxweyne Axmad Madoobe.
Dhanka kale Xasan Kheyre ayaa sidoo kale la wada wadahadal dowlada Kenya taas oo ku dhiirigalisay in uu si dadban ula xiriiro Axmad Madoobe isla markaana taageero qorshaha Axmad Madoobe.
Xasan Kheyre ayaa horay ugu diray Jubbaland 15 qori oo ah nooca PKM ama afka Soomaaliga lagu yiraahdo Dabajeex iyo boostoolado aan cadadooda wali la helin. Hubkaan oo lagu geeyay Jubbaland diyaar rakaab ah ayaa lagu wareejiyay Khaalid Agaasimaha nabad sugida ee Jubbaland.
Xasan Kheyre ayaa ah shaqsi aan ka hishoon khayaanada iyo laalaabka, waana nin ay ka suuragasho in uu sameeyo ficil kastaa oo uu danahiisa ku gaarayo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa u muuqda mid si dadban dagaal loo galiyay hadana eeda ka dhalata dagaalkaasna isaga dusha laga saarayo.
Kheyre ayaa la filayaa in uusan safar ku tago magaalada Baydhabo maalmaha soo socda ka dibna dib ugu noqdo Dhuusamareeb halkaasna uu ku dhuunto inta ay socoto doorashada Jubbaland.
Sida aad arki doontaan Kheyre marnaba kama hadli doono doorashada Jubbaland, waxa uu saaxiibadii u sheegi doonaa in uu arinta doorashada Jubbaland u dhaafay Madaxweyne Farmaajo.
MOL oo qadka teefanka kula hadashay mid ka mida Wasiiraada ku dhaw-dhaw Axmad Madoobe, kaas oo la waydiiyay jiritaanka wadahadalka labada dhinac ayaa isaga oo qoslayo yiri “ no comment” taas oo macnaheedu yahay in uu jiro wadahadal labada dhinac ah.