Kheyre oo ku guuleystay in BFS la maaweeliyo ilaa bisha Ramadan ka dibna la kala diro (Faalo)

Reading Time: 2 minutes

Waxaa maanta si dirqi ah ku furmay kalfadhigii Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya iyada oo xildhibaanada qaar la soo tuugay in ay yimaadan kulanka halka kuwa kale gawaari qaasa loogu diray halka ay joogaan magaalada si loo helo Kooram uu mar uun ku furmo Baarlamaanka. Magaalada Muqadishu waxa  jooga xildhibaano ka badan 230 xildhibaan hadana ma soo xaadiraan ka qaybgalka kulanka Baarlamaanka.

Maqnaanshaha xildhibaanada ayaa ka danbeeysa qorsha ay xukuumada Soomaaliya in mudo waday taas oo ah in Baarlamaanka gabi ahaanba laga taqaluso oo la kala diro. Hadii ayan xukuumada u suuragalin in ay si sharci ku kala diraan Baarlamaanka waxa ay isticmaalayaan qaabab lagu baajinayo kulanka Baarlamaanka kaas oo ah in aan la helin Kooram uu Baarlamaanka kula xisaabtamio xukuumada. Kulankii loo balansanaa maalinta Sabdiga waxaan soo xaadirin oo maqnaaday dhamaan Xildhibaanada ka tirsan Golaha Wasiirada iyo kuwa taabacsan dowlada  taas oo uu amarkeedu lahaa Xassan Kheyre.

Waxaa nasiib xumo ah in hay’adihii dowliga ahaa mid mid loo burburinayo iyada oo xildhibaanadii ummada u wakiilatay in ay dowalada la xisaabtamaan loo maamulayo sidii xiro xoolaha lagu xanaaneeyo. Hogaankii Baarlamanka waxa uu gacanta u galay nin dad badan rumeysan yihiin in uu waalan yahay oo beec ah. Cidii iibsata ayaa iska leh mana laha dareen wadaniyeed iyo mid shaqsiyadeed.  Dhanka kale waxa gudoomiye ku xigeen u ah laba nin  (Muudeey iyio Cawad) oo 20 san ku dhawaad ka tirsanaa hogaanka Baarlamaanka una arka baarlamaanka aalad lagu ganacsato oo dowladii timaado lacag looga dhaco.

Sida uu qorsheeyay Xassan Kheyre baarlamaanka waxaa si rasmi ah loo xirayaa 7da Bisha Abriil   iyada oo marmarsiyo laga dhiganayo bisha barakaysan ee Ramadaan waxaana dib loo furayaa baratama bisha Carafo oo ah marka xajka laga soo labo taas oo ku beegan bisha Juulaay bartamaheeda.

Dhanka kale xildhibaanada ayaa mushaarkooda qaadan doona, sidoo kale Kheyre ayaa dib u bilaabaya gunada uu siiyo xildhibaanada qaar taas oo ka imaanaysa qasnada dowlada. su’aashu waxa ay tahay ma jiri doonaa xidhibaano qadiyad leh oo ka dhiidhiya burburka lagu hayo hay’addaha dowlada oo ay u horeeyso baarlamaanka dowlada Fedaraalka.