Kheyre oo ku fashilmay qorshihii u geeyey shirkii (SIP) Baydhabo? iyo Jawaabta beesha Caalamka

Reading Time: < 1 minute

Xasan Kheyre oo doonayay in uu u muujiyo beesha caalamka in Dowlada Fedaraalka ay wali gacanta ku hayso dowlad goboleedyada ayaa wax uu ka codsaday in shirkoodii joogta ahaa “Somali International Partners Meeting”  markaan lagu qabto magalaada Baydho. Shirka oo ay soo xaadireen qaar ka mida safiirada caalamka u fadhiya Soomaaliya ayaa looga hadlay xaaladaha cakiran ee  siyaasada  Soomaaliya.

Qoraal caawa ka soo baxay shirkii beesha caalamka ay Kheyre kula yeelatay  magalaada Baydhabo ayaa loogu sheegay Xasan Kheyre in howlaha horyaalo dowlada fedaraalka ayan marnaba meel  mari karin ilaamaa dowlada fedaraalka ay la heshiiso  hogaanka dowlad Goboleedyada oo dhan.

Safiirka u fadhiya dowlada Ingiriiska dalka Soomaaliya ayaa si cad ugu sheegay  Kheyre in riwaayadaha ay dowlada Fedaraalka matalayso ayan meel dheer ah gaaraynin ilamaa si dhab ah loo wajaho xaaalada siyaasadeed ee ka sii daraysa ee ka jirta dalka Soomaaliya, gaar ahaan arimaha Doorashada oo aan wax lka qabtay ilaa iyo hadda ayan jirin

Xasan Kheyre ayaa ku fashilmay qorshihii ahaa in uu ka dhigo labada dowlad Goboleed ee Jubbaland iyo Puntland in aanan loo baahnaynin mar hadii uu hayso labada kale, laakiin kulankii maanta ayaa si toos ah loogu sheegay in Dowlada Fedaraalka ayan meelna u dhaqaaqi karin hadii aysan helin tageerada iyo kalsoonida labada dowlad goboleed ee Puntland iyo Jubbland.