Kheyre oo ku dhiirigaliyay Gudoomiyihii hore ee Balamaanka Galmudug in uu qoraal soo saaro

Reading Time: < 1 minute

Gudoomihii hore BG ee xilka laga qaaday Cali Gacal Casir  ayaa soo saaray War-murtiyeed laga soo abaabulay Xafiiska xasan kheyre  kaas oo uu ku sheegay in uu soo dhoweeyay baaqii Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiinta ee Xukuumadda Soomaaliya, kaas oo ahaa in doorashada Galmudug waqtigeeda lagu qabto.

Cali Gacal ayaa qoraalka loo soo dhiibay ku sheegay  in uu dhamaad joogo muddo xileedka Baarlamaanka Galmudug iyo guud ahaan maamulkaasi islamarkaana uu soo dhoweynaya go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ah in la qabto doorasho iyo shir weyne lagu heshiisiiyo beelaha daga Galmudug.

Hadalka loo soo dhiibay Cali Casir ayaa waxa uu Qayb ka yahay dagaalka laga soo abaabulayo xafiiska Xassan kheyre ee la doonayo in lagu burburiyo dowlad goboleedka Galmudug