Kheyre oo ku amray taliye Qooje Dagaari in uu ka soo saaro afar tikniko Hobyo

Reading Time: < 1 minute

Ninka dhawaan loo magacaabay taliyaha qayta 21naad Qooje Dagaari ayaa waxa uu amray in afar gaari oo Tikniko ah laga soo saaro magaalada Hobyo kuwaas oo qayb ka ahaa ciidanka ilaalada shirka Hobyo.

Qooje Dagaari oo ka soo jeedo beesha reer Hilowle oo la hadlay odoyaasha beesha ayaa u sheegay in Xasan Kheyre ku amray in afarta gaari laga soo saaro.

Degaanka Hobyo ayaa waxaa hadda ku sugan gawaari fara badan oo ay leeyihiin beelaha dega Galmudug mana muuqato in afar gaari oo laga soo qaado Galmudug ay wax badan ka badali doonto socoshada shirka Hobyo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in gawaari dheeraad ah ay ku sii jeedaan magaalada Hobyo si ay u adkeeyaan amaanka Hobyo.

Talabaada uu qaaday Xasan Kheyre waxa ay sii adkeynaysaa isku soo dhawaanshaha beelaha dega Galmudug guud ahaan, gaar ahaan dowlada iyo beelaha Galmudug.