Kheyre oo ka codsaday Xaaf in uu soo saaro waraaq lagula dagaalayo Al Sunna 

Reading Time: < 1 minute

Axmed Ducaale Geele Xaaf  oo isaga tagay jaganada Madaxweynaha Galmudug kana haray tartanka doorashada Galmudug  ayaa waxaa mar kale lagu qasbay in uu lugaha la soo galo dagaalka ka dhaxeeya Al Sunna Walameeca iyo Xasan Kheyre. Xaaf ayaa horay lacago loo siiyay, loona balan qaaday dhaqaale kale   si uu u tanaasulo.

Hadaba maanta ayuu qoraalo uu soo saaray isaga oo aan wax mas’uuliyad ah ka haynin Galmudug, qoraalkaas ayuu ku sheegay in uu xil ka qaadis ku sameeyay wasiirkii Wasaarada Qorshaynta Cabdikaafi Maxamed Maxamuud iyo wasiirkii Aminga ee Dowlad Goboleedka Galmudud.  Madaxweynihii hore  Xaaf ayaa Hay’adaha Dawlada iyo cidii la shaqayn jiray wasiirka ku amray in hadda ka dib aysan wax shaqa ah dhex marin.

Xasan Kheyre ayaa qorshaynaya in uu mar aan fogaynin xabsiga u taxaabo hogaanka Al Sunna oo ay ku jiraan Shiikh Shaakir, Macalin Maxamuud iyada oo maalmaha soo socda gabi ahaanba Al Sunna laga saari doono magalaalada Dhuusamareeb.