Kheyre oo Diiday inuu la Kulmo Jawaari +Khilaafka Oo Xoogeystay

Reading Time: < 1 minute

Warar hoose oo aan helnay ayaa sheegeya in Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu diiday Wada hadal iyo dib u heshiisiin la doonayay in la dhex dhigo isaga iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

 

Kheyre ayaa lasoo warinayaa in saacadihii ugu dambeeyay uu sare u qaaday hamigiisa ah inuu xilka ka diro Guddoomiye Jawaari.

Xildhibaano dib u heshiisiin ka dhex waday Kheyre iyo Jawaari ayaa la kulmay Ra’iisul wasaaraha wuxuuna u cadeeyay inuusan diyaar u aheyn in mar kale uu wada hadal la hor fariisto Guddoomiye Jawaari, isagoo sheegay in Mooshinka lagu kala baxayo.

Arintan ayaa sii xumeyneysa khilaafka sii qaraaraanaya ee u dhaxeeya Jawaari iyo Kheyre, iyadoo magaalada Muqdisho ay ka soconayaan Kulamo joogta ah oo arintan la xiriira.