Kheyre oo dhiirigalinaya mucaaradka Puntland kulana la qaatay dhalinyaro reer Puntland

Reading Time: < 1 minute

Xasan Kheyre oo dhawaalahan danbe dagaal kula jiray Dowlada Puntland ayaa waxa uu hada bilaabay in uu si toos ah u dhiiri galiyo mas’uul kastaa ee ka soo horjeeda Dowlada Puntaland.

Hadaba Xasan Kheyre ayaa uga yeeray magalaada Dhuusamareeb qaar ka mida dhalinyaradii Waqooyiga Gaalkacyo kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare Kheyre si uu u dhiirigaliyo dhalinyaradaas.

Mid ka mida dhalintaas ayaa Facebook-giisa kusoo qoray inuu baxsad ka yahay Ciidanka amniga maamulka Puntland. Maxamed Cabdullaahi Darwiish oo kamid ahaa dadka deegaanka Waqooyiga Gaalkacyo ayaa waxaa uu sheegay in baxsad ka yahay Ciidanka Puntland,isla markaana baadi goob ay ugu jiraan,hayeeshee uu isaga soo tegay halkaas.

Iyada oo aan la xaqiijin in cidi raadinayso ama lagu daba joogo ayaa wiilkaasi waxaa lagu arkay isaga oo joogo Dhuusamareeb. Warar ay xaqiijisay MOL ayaa sheegay in Xasan Kheyre lacag iyo gawaari soo qaadi dhalintaas loogu diray Galkacyo.

Kheyre oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa xarunta Madaxtooyadda maamulkaas ku qaabiley Maxamed Cabdullaahi Darwiish oo sheegay in uu  baxsad ka yahay Puntland iyo dhalin kale ee la socotay.  Dowlada Puntland ayaanan ka hadlin in cidi raadinayso wiilkaas ama ku daba joogto laakiin waxaa muuqata in Xasan Kheyre go’aansaday in uu mucaarad ka dhex abuuro dowlad goboleedka Puntland.

Waxa aan shaki ku jirin in talaabooyinka uu qaadayo  Xasan Kheyre ee u muuqdo in uu yahay  dhaqan caruureed ah ay abuuri doonto cadawtinimo  iyo qalalaase siyaasadeed ee aan wax dan ah ugu jirin qaranimada Soomaaliyeed.

Asbuuca soo socda ayaa la sugayaa in magalaada Muqadishu lagu soo dhaweeyo dhalinyaro la sheegay in ay ka soo baxsatay Puntland, waxaa iyadana macaquul ah in saraakiil reer Puntland lagu dhiirigaliyo in ay yimaadaan Muqadishu?  Su’aashu waxa ay tahay halkee laga soo baxsanayaa inteese loo soo baxsanayaa?