Kheyre oo codsaday in qaar ka mida  Beesha Caalamka ugu tagto Dhuusamareeb, maxaa soo kordhay?

Reading Time: 2 minutes

Iyada oo xaalada siyaasadeed ee ka jirta Dowlad Goboleedka Galmudug ay ku socoto fashil aya Xasan Kheyre oo ku fiican indha sarcaadka iyo been abuurka  waxa uu bilaabay in uu keeno qaab cusub oo uu ku  indha sarcaadiyo beelaha degan Galmudug oo ka biyo diiday qorshahiisa. Maalintii Shalay ahayd ayaa waxa uu qaybiyay lacag  qaar ka mida beelaha degan Galmudug si uu ugu qanciyo in ay taageeraan qorshahiisa maantana ay ka hor hadlaan beesha caalamka.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta waxaa gaaray qaar ka wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya, ka dib markii shirkii Muqadishu lagu balansanaa in lagu qabto uu Xasan Kheyre codsaday in loo soo wareejiyo Dhuusamareeb si uu taageero ugu helo qorshaha uu ka wado magaalada Dhuusamareeb.

James Swan oo markii horayba ay u qorshaysnayd in uu safar ku tago magalaada Dhusaamreeb iyada oo safarkiisa qayb ka tahay kulamada safaradii uu ku  kala bixiyay dhamaan dowlad goboleedyada ayaa qorshaynaya in uu Xasan Khyere oo ah hadda u dhaqma sidii kusimaha Madaxweynaha Galmudug uu kala hadlo qorshahiisa ku saabsan sidii dalka loo gaarsiin lahaa doorasho Qaran.

Wafdigaan oo saacado kooban joogi doono magaalada Dhuusamareeb ayaa dhankooda doomanayo in ay la ciyaaraan siyaasada uu Kheyre ciyaarayo oo indha sarcaad ah. Sida MOL horay idinkuugu soo gudbisay ma jiri doonto lacag toos ah oo lagu maalgalinayo howlaha uu hadda ka wado  Dhuusamareeb laakiin waxaa loo sheegi doonaa in hay’sado horay lacag horay loo siyyay ay dowlada ka caawiso nabadaynta, taas oo macnaheedy yahay in Wasiir Sabriye uu dhaqaale waydiisto NGO Soomaali iyo Ajnabi isugu jira.

Safiirka Dowlada Maraykanka ayaa ka biyo diiday in uu ka mid noqdo wafdigaan halka Wadamad qaar ay soo direen  dad shaqaale ka ah safaradahooda.

Wafdigan  oo uu hogaaminayo wakiilka gaarka ee ah Qaramada Midoobay James Swan ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Cabdi Maxamed Sabriye iyo Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir,Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo xubno kale.

Sidoo kale Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa inta ay ku sugan yiihin Dhuusamareeb waxaa ay kulamo kala duwan la yeelan doonaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo muddo ku dhow Bil ku sugan halkaas iyo Madaxda Galmudug.

Kheyre ayaa la filayaa in uu labada maalin ee soo socotaa uu ku soo noqdo magalaada Muqadisho. Safarka maanta ayuu doonaya in uu u isticmaalo in uu sheegto in uu guul ka keenay deegaanka Galmudug.