Ka dib markii maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka ay ansixiyeen Sharciga Shidaalka, ayaa Xassan Cali Kheyre oo ay ka muuqato degdegsiimo waxa uu durbadiiba bilaabay in u la xiriiro shirkadaha shidaalka. Waxaa caawa si wada jir ah qoraalo u diyaariyay, isaga, Wasiirka Batroolka iyo Agaasimaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha. Qoraaladaas ayaa isla caawa waxa loo kala diray shirkadaha Batroolka ee horay heshiiska ula galay Xassan Kheyre. Qoraalada ayaa caawa lagu diray email-ka waxaana qoralaadaas ku lifaaqnaa sharciga Batroolka oo ku qoran luuqada ingiriiska.
Waa sidoo kale qoraalka lagu lifaaqay sawirka kulankii baarlamaanka ee maanta. Qoraaladaas ayaa waxa hal-ku-dhig looga dhigay ” hordhaca ansaxinta sharciga shidaalka” taas oo macnaheedu yahay in qoraal tafatiran loo gudbin-doono shirkadahaas marka Madaxweyne Farmaajo saxiixo.
Ilo xog-ogaal ah ayaa u sheegay MOL in Xassan Kheyre doonaayo in lacagta hordhaca ah ee horay loo balan qaaday si deg deg ah loogu sii daayo xukumadiisa. Kheyre ayaa ku doodayo in dowlada haysato dhaqaalo xumi una baahan tahay lacagtaas.
Dad badan ayaa qaba in ujeeda uu Kheyre ugu deg-degayo sii deynta lacagta horumariska ah ay tahay in uu isagu qayb ka mida lacgataas qaato inta ayan bilaaban diidmada la filayo in ay ka timaado madaxda dowlad goboleedyada oo aan marnaba aqbali doonin in magaca shacabka soo doortay lagu dhaco kheyraadka dalka Soomaaliya.