Kheyre oo caawa ku digtay ASWJ, sharuudo adagna hordhigay iyo Macalin Maxamuud oo dhiiga ku kacay! (Xog)

Reading Time: 3 minutes

Xassan Kheyre iyo Farmaajo ayaa labadii sano ee la soo dhaafay waxa ay ku guuleysteen in ay balamo been abuur ah la galaan siyaasiyiinta ay danaha ka leeyihiin marka ay danahooda ka gaaraana meel cidla ah kaga dhaqaaqa.

Kheyre oo dareemayo in kooxda AL Sunna Wajameeca ay ku jiraan xaalad adag oo ayan ka bixi karin ama aan haysanin meel ay u ciirsadaan ayaa kulankii uu maanta uu la qaatay kooxda Al Sunnauu   soo hordhigay sharuudo ay adkaan doonto in ay aqbalaan ama ay fuliyaan.

Dhanka kale inta uusan la kulmin hogaanka AL Sunna Wajameeca ayuu Kheyre ka codsaday  kooxda Al Sunna in ay u diyaariyaan shacabka Dhuusamareeb si uu ugu sheego qorshahiisa ama uu u abuuro culays ku yimaada Al Sunna. Shiikh Shaakir oo aan  siyaasad u bilaawnaynin  ayaa amray in shacabka loo diyaariyo si Xasan Kheyre ula hadlo.

Qudbadiisa maanta ayuu ku sheegay hadal been abuur ah oo ahaa in   labada dhinac ee iska soo horjeeda heshiiyeen islamarkaana doorasho dhici doonto isaga oo aan fahfaahin  qaabka ay doorashada u dhici doonto.

Qudbadiisii ka dib ayuu wadahadal la galay hogaanka Al Sunna Wajameeca, waxaa kooxa AL Sunna hogaaminyay Macalin Maxamuud.  Kheyre ayaa kulanka ku soo bandhigay qorshaha  xukumadiisa ka doonayso Galmudug:

Qodabada uu hordhay  waxaa ka mid ahaa:

  • Waxa uu yiri shacabka Soomaaliya waxa ay wax ku qaybsadaan Dastuur ama qaybsi ku saleysan heshiiska 4.5 oo salka ku haya qabiilka. Magaca Al Sunna waa magac ka dhaxeeya ummada Islaamka oo dhan waxna laguma qaybsan karo ama koox sad-bursi kuma heli karto magacaas. Sidaas darteed waa in Reer Dhuusamareeb iska ilaabeen in ay qayb ku qaataan magaca Al Sunna. Kheyre waxa uu tusaale u soo qaatay koox ka socoto Al Sunna oo Muqadishu joogta uu la kulantay, kuwaas oo  u shegetay in ayan qayb ka ahayn Al Sunnada Gobolada Dhexe. Wax lagu adkeeyeen Kheyre in ayan jirin wax la yiraahdo Al Sunna oo wakiil ka ah Al Sunna oo dhan.
  • Waxaa kaloo uu u sheegay Al Sunna in degaanka Galmudug ay ku nool yihiin 11 qabiil, waxaana adooda lagu qaybsana qaabka qabiil. Hogaanka Al Sunna oo ka soo jeeda beesha Cayr qaybteeda waxa ay ku helaysaa iyada oo Ceyr ah oo aan qabiilada kale waxba dhaamin.
  • Ciidanka ay AL Suuna Sheegteen in uu u baahan yahay Mushaar iyo Saad la siiyo waxa uu u sheegay in ay ka mid noqonayaan ciidanka qaranka, diyaaradan  loo soo diri doono  iyada oo loo qaadayaa meelo lagu soo tababaro.
  • Si Dhuusamareeb u noqoto caasimad umadda ka dhaxeeyso, waxaa amaankeeda la wareegayo ciidamo iyo taliyayaal ay soo dirtay dowlada Dhexe kuwaas oo ka amar qaadanaya Muqadishu.  Taas oo macnaheedu yahay hoganka Al Sunna waxa ay noqonayaan sacabooleey ay waardiyeeyaan ciidan Farmaajo leeyahay.
  • Hadii doorasho ka dhaceyso magalaada Dhuusamareb, waxaa doraashadaas maamulaya gudi ay soo magacaaawday dowlada dhexe oo ka amar qaata xukumada Fedaraalka
  • Inkastoo ayan dowlada Dhexe wada fulin karin codisyada ka yimid Al Sunna, Dowlada Fedaraalka waxa ay isku dayaysaa in ay qayb ka mida codsiyadaas ay taabagaliso.
  • Lacagta AL Sunna ku leedahay dowlada Dhexe, ma aha mid ay lagu leeyahay dowlada hadda jirta laakiin tii Xasan Shiikh aya Al Sunna ku lahaayeen, DFS marka ay lacag hesho ayaa ay isku dayi doontaa in ay bixiso wixii ay awooda hadana waxa loo sii bilaabayaa xoogaa horumaris ah.

Kheyre markii uu hadalka dhameystay ayuu ku yiri Kooxda Al Sunna, si aan culayska idinkaaga qaado waxaad ii shirisaan waxgaradka  beesha Ceyn kuwaas uu u  sheegayo xaqiiqda jirta ee aan laga leexan karin.  Kheyre ayaa doonayay in uu cadaadis ku saaro Kooxda Al Sunna in ay aqbasho sharuudaha uu soo hordhigay.

Macalin Maxamuud iyo kooxda Al Sunna ayaa ka soo horjeesatay qaraarkii uu soo jeediyay Kheyre waxa ayna ku dhaarteen in ayan taa aqbalaynin hadda isla markaana ayan mustaqbalka aqbalaynin.

Kheyre ayaa caawa qadka teleefanka  ka wacay ganacsato ka soo jeedo beesha Ceyr  oo isaga ganacsi kula jira. Kheyre ayaa u sheegay ganacsata in Kooxda Al Sunna lagu qabnciyo in ay aqbasho qodobada uu  u soo bandhigay. Kheyre ayaa balan qaaday in maalgalin buuxda lagu sameeyn doono Dhuusamareeb hadii ay aqbalaan go’aanka dowlada isla markaan ganacsatadaasay dhaqaale ka heli doonaan mashruucyad laga fulin doono Dhuusamareeb.

Kooxda AL Sunna ayaa caawa balaayo qoorta ugu jirtaa, hadii ay diidaan sharuudaha la soo hordhigay    meel ay aadi karaan ma jirto. Dhanka kale hadii ay aqbalaan waxa ay isku sameeyeen isdaldal siyaasadeed oo ayan waligood ka soo waaqsan.