Saraakiil ka tirsan Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa inoo sheegay in Xukuumadda ay olole balaaran ugu jirto sidii Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Wasiirka Difaaca Soomaaliya hadana ah Mudane ka tirsan Baarlamaanka Golaha Shacabka uu ugu guuleysan lahaa xilka guddoomiyaha golaha shacabka.
Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa horey ugu heshiiyay in hal shaqsi ay isugu geeyaan awoodooda si aan looga fara maroojin xilka Guddoonka golaha shacabka oo hadii shaqsi kale uu qabto ay adkaan doonto sidii siyaasad ahaan ay isku fahmi lahaayeen sida Guddoomiyihii iscasilay ee Jawaari.
Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa 18-04-18 bishan ku dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Guddoomiyihii Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa 9-kii bishan April iska casilay xilka Guddoonka, sida xeerka Baarlamaanka uu dhigayana ay waajib tahay in booskaas lagu buuxiyo mudo 15 maalmood ah.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka bilowday Olole Doorasho oo qaar ka ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay ugu jiraan sidii ay u raadin lahaayeen xilkii uu baneeyay Gudoomiye Jawaari.