Musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre ayaa noqday musharaxii ugu horreeyey iyo kan kaliya ee uu u hambaleeyey xildhibaan Fahad Daahir Axmed oo maanta lagu doortay Beledweyne.
Kheyre ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Waxaan u hambalyeynayaa Xildhibaannada lagu doortay magaalooyinka Kismaayo iyo Beledweyne ee ka mid noqonaya Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya. Waxaan Alle uga baryayaa inuu u fududeeyo waajibaadka ka saaran ummadda Soomaaliyeed.”
Qoraalka ayaa waxaa raacsanaa muuqaal ay ka muuqdaan sawirada xildhibaanada maanta la doortay, oo uu ku jiro sawirka Fahad.
Tallaabada uu qaaday Kheyre oo ka duwan xubnaha Golaha Midowga Musharaxiinta, oo uu ka tirsan yahay, ayaa dhalin karta su’aalo horleh oo ku saabsan xiriirka ka dhaxeeya isaga iyo Fahad.
Fahad ayaa xubno badan oo musharaxiin madaxweyne ah waxay ka tirsanayaancadaadis xooggan iyo dhibaatooyin, waayna u arkaan inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay xadgudubyadii uu Farmaajo dalka ka gaystay shanti sano ee uu madaxweyne ka ahaa.
Kheyre ayaa horey waxaa loogu xantay inuu weli ku xiran yahay Fahad, islamarkaana laga yaabo inuu taageero ka helo haddii uu gadmi waayo Farmaajo.
Waxaa sidoo kale jirtay eedeymo ku saabsan inuu yahay isha Fahad u dhex fadhisay Golaha Midowga Musharaxiinta, oo uu xogtooda uu u gudbiyo, waxaana hambalyadiisa maanta ay xoojineysaa tuhunadaas.