Kheyre oo $6 Malyan ku dhacay magaca culumada! Sidee loo dhacay? yaase qayb-ka ahaa dhacdadaas?

Reading Time: 3 minutes

Mudo laga joogo labo sano iyo bar ayaa wadamo ay ku jirto  dalka Switzerland wax ay  dowlada Soomaaliya ugu deeqeen dhaqaale lagu caawinayo dowlada gaar ahaan dhanka dhismaha  Cadaaladda, Shaqo u abuurista shacabka , ka hortaga Xagjirnimada iyo airmaha la xiriira in Soomaaliya ay  hesho siyaasad loo dhan yahay.

Lacag lagu sheegay in ay gaareyso $5.35 Milyan oo ah lacagta Midowga Yururb ama Euro oo u dhiganta $6.5 Milyan oo ah  lacagta Maraykanka ee Doolarka ayaa loogu deeqay dowlada Soomaaliya, gaar ahaan in looga caawiyo dowlada  Soomaaliya arimaha dib u dhiska Cadaalada iyo ka hortaga waxa lagu sheegay Xagjirnimada.

Lacagta oo xiligaas lasoo mariyay Wasaarada Cadaalada iyada oo la isticmalayo  haya’ddo gaar loo leeyahay laakiin  lala socodsiiyay Wasaaraadda Maaliyadda ayaa waxa si toos ah lacagtaas gacanta loogu galiyay Xasan Cali Kheyre, isaga oo go’aan ka gaarayay  qaabka ay ku baxeyso. Lacagta ayaa waxa uu Kheyre  u istcimaalay danahiisa gaarka ah taas oo ka baxasana qorshihii loogu talagalay in lagu bixiyo.

Lacagta waxa dhanka kale maamulkeeda wax ku lahaa Wasiiru Dowlaha Xafiiskiisa  Ra’iisal Wasaaraha Cabdullahi Xaamud iyo Ninka ay qaraabada yihiin Xasan Kheyre ee  lagu magacaabo Yaxye Cali Hareeri.

Si xisaab celin loogu sameeyo lacagta  oo aan loo fahmin meesha uu Xasan Kheyre lacgta ku bixiyay, ayaa waxa uu Xasan Kheyre  keenay fakar ah in lacagta lagu qoro in loo isticmaalay la dagalaanka  xagjirnimada. isla-markaana lagu qoro magaca culumada Soomaalayeed.

Wasiirkii Diinta iyo Ow-qaafta xiligaas Shiikh Nur oo wax ka ogaa qorshaha Xasan Kheyre ayaa waxa loo sheegay in uu fududeeyo in  Shiikh Mohamed Ibrahim Ali  (Kenyawi) uu garoonka Cayaaraha ee  Stadiyo Koonis uu shacabka kula hadlo, iyada oo inta uu joogo magalaadda Muqdisho ay dowlada Fedraalka ay qabto dhaqalaha ku baxayo joogitaankiisa iyo kulamadiisa. Sida MOL loo xaqiijiyay, Shiikh Kenyawi ayaa waxa la siiyay lacag sooryo ah oo aanan ilaa iyo hada  anaan helin cadadeeda. Waxa kale oo ay dowlada (Xasan Kheyre)  u sheegtay Shiikh Kenyawi in ay ka caawinayso in uu safar booqosho ah ugu tago Soomalida ku dhaqan qurbaha, dowladana ay u fududeeynayso Visaha dalka ku galka.

Xisaab xirka uu Xasn Kheyre u celiyay wadamadii bixiyay lacagta $6.5 Milyan doolar  waxa lagu sheegay in Shiikh Kenyawi safarkiisa ay ku baxday lacag $2.1 Milyan Doolar,. Si taasi loo meelmariyana waxa la sameeyay saxiix la sheegay in uu Shiikh Kenyawi ku cadeeynayo in uu  isticmaalay lacagtaas. Waxaana si faahfaahsan loo  soo  bandhigay qaabka  ay lacagtaas ugu baxaday Shiikh Kenyawi iyada oo saxiixisa loo maleynayo in uu  yahay been-abuur yahay la saaray.

Dhanka kala waxa isagana sidoo kale qoraal cadeyn ah   oo sheegaya in lacagtaas ay ku baxday Shiikh  Kenyawi saxiixay Wasiirkii Cadaalada ee xiligaas Xasan Xuseen Xaaji

Sidoo kale waxaa iyadana laga been abuuray Safarkii Sheekh Maxamed Cabdi Umal uu ku tagay Muqdisho isaga oo lacag deeq ah waday shacabka ku dhibaataysnaa magalaada Baladweyne, kaas oo Xasan Kheyre ku sheegay in Shiikha uu la hadlayo shacabka Soomaaliyeed si looga hortago Xagjirnimada ka jirta dalka Soomaaliya.

Safarka Shiikha oo fashil ku dhamaaday ka dib markii ururka Al Sunna Wajameeca  ay ka hortimid safarkiisa ayaa waxa uu Xasan Kheyre ku adkeeystay in isaga lagu qaro in lacag badan ku baxday. MOL wali ma helin cadadka rasmiga  ah ee lagu qoray Shiikh Umul in ay ku baxday safarkiisa.

MOL waxa au ugu baaqaysaa in Shiikh Kenyawi uu shacabka Soomaaliyeed u xaqiijiyo in ay safarkiisii Muqdisho ee sida wayn loogu soo dhaweeyay oo ay dowlada ka caawisay kuna baxday lacag $2.1 Milyan oo doolar ah.

MOL waxa ay sidoo kale ugu baaqaysaa in Hanti-Dhowrka Guud ee dalka in uu baaritaan buuxo ku sameeyo lacagtaas lagu dhacay magaca culumada Soomaaliyeed. Cidii ka danbeeysay ku tagrifalka lacaagtaasna la horkeeno sharciga.

Maalmaha soo socda waxa ay MOL idin soo gudbin doontaa lacago loogu talagalay dhismaha iyo dayactirka Cusbitaalo ku yaalo magalada Muqdisho , gaar ahana Cusbitaalada Keeysaneey, Banaadir iyo Madiina oo la lunsaday?  Lacagtaas oo xisaab-xir been ah laga gudbiyay ayaa warbixinteeda dhawaan idiin soo gudbin doonaa?

MUDADA U HARSAN XILKA MADAXWEYNE FARMAAJO
1 7 days
0 2 hours
2 0 minutes
1 5 seconds