Kheyre: “MW Farmaajo waxa uu imaanayaa Dh/Mareeb maalmaha soo socda”

Reading Time: < 1 minute

Xasan Kheyre ayaa xalay ku wargaliyay kooxda Al Sunna in MW Farmaajo uu aqbalay in uu yimaado magaalada Dhuusamareeb maalmaha soo socda si uu u arko horumarka laga gaaray arimaha dib u dhiska ciidanka iyo dib u heshiisiinta.

Hadalka ka soo yeeray Xasan Kheyre ayaa Madaxda Al Sunna Wajameeca aad ula yaabeen inkastoo ay soo dhaweeyeen imaarinta Farmaajo oo ay u arkaan in uu horay marinayo qadiyada AL Sunna  iyo awooda saaameyn leh oo ay ku lahaan doonaan  degaanka Galmudug.

Maalmihii la soo dhaaafay ayaa waxa sare loo qaaday amniga magaalada Dhuusamareeb taas oo ka danbeeysay cabsi la soo daristay Xasan Kheyre oo wal walk a qaba xaalad ka sii daraysa  ee Galmudug.

Wali macada in hadalka ka soo yeeray Xasan Kheyre yahay been iyo in uu ku iibsanayo AL Sunna iyo in Farmaajo uu qaadanayo khatarta la socoto in uu tago Dhuusamareeb xiligaan kala guurka ah.

Dhanka kale waxaa macquul ah in Xasan Kheyre doonayo in uu fashilka uu ku jiro soo galiyo Farmaajo. Mid ka mida mas’uuliyiinta AL Sunna Wajameeca ayaa sheegay in ayan jirin wax guul ah ee uu Farmaajo ka qaadayo Dhuusamareeb. Waxa uu yiri   “abaarta nagu dheeraatay waa na daysay, lacag fiican ayaa naga soo gashay kooxda NN ilaahna ducadeenii waa noo aqabalay”.