Kheyre “Maku dhiiran doonaa in uu Qirto dhiibistii Qalbi Dhagax?”

Reading Time: 2 minutes

Ku dhawaad saddex sano iyo bar oo uu hoggaaminayay xukuumadda federalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa ku lug yeeshay dhacdooyin garaafeyay sumacaddiisa hoosna u dhigay sawirka ay dadka ka heystaan.

Keliya isaga oo xafiiska jooga wax ka yar shan bilood, xukuumaddiisa waxa ay qeyb ka ahayd dhiibistii halgamaa Cabdikariim Muuse Qalbi Dhagax, kaas oo dowladda Soomaaliya ay u dhiibtay isaga oo jeebbeysan nidaamkii TPLF ee Ethiopia maamulayay.

Dhiibista Qalbi dhagax waxaa ku lamaannaa in xukuumaddiisa ay argiggixiso u aqoonsatay ururkii xorreynta Soomaali Galbeed ee ONLF kaas oo halgan konton jirsaday kula jiray dowladda Ethiopia.

Labadaas dhacdo ee is xigay Kheyre waxaa kula lamaannaa taliyihii hore ee Nabad sugidda Qaranka Cabdullahi Maxamed Sanbalooshe iyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, kuwaas oo door ku lahaa dhiibista Qalbi Dhagax.

Inkastoo xukuumadda Kheyre xooggeeda ay taageertay in la dhiibo Qalbi Dhagax laguna shabbadeeyo in uu ahaa argiggixiso, haddana wasiirkii gargaarka ee xukuumaddiisa Dr Maryan Qaasim iyo wasiirkii arrimaha gudaha Abdi Farah Juxa ayaa kasoo horjeestay go’aanka xukuumadda.

Sidoo kale Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si cad uga soo horjeestay go’aanka xukuumadda iyagoo ku tilmaamay in ay tahay baaddil cad.

Adduun waa meerto e, waxaa halmar isbaddalay nidaamkii Ethiopia oo Abiy Axmed ayaa talada dalkaas la wareegay, kaas furfuray Ethiopia yadii xir xirneyd.

Dhammaan waxaa xabsiyada laga sii daayay maxaabbiistii siyaasiga ahayd iyo cid kasta oo u xirneyd TPLF. Fursaddan waxa ay caawisay Qalbi Dhagax oo maxbuus siyaasi u ahaa nidaamkii TPLF, ugu dambeyna Jun 28 keedii, 2018, ayaa lagu dhawaaqay in Qalbi Dhagax xabsiga laga sii daayay.

Ku dhawaad bil kaddib markii uu soo baxay warka sii deynta Qalbi Dhagax, Jul 30-keedii, 2018, madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa la kulmay hoggaanka ugu sarreeya jabhadda xorreynta Ogaadeeniya ama ONLF Admiral Maxamed Cumar Cusmaan kuwaas oo kulan aan sii qorsheysneyn ku yeeshay Asmara sida uu wasiirkii warfaafinta ee xilligaas Danjire Daahir Maxamuud Geelle u sheegay BBC da.

Inkastoo Geelle uu ka gaabsaday haddana Farmaajo ayaa ka garaabay dhiibistii Qalbi Dhagax isagoo sheegay in uu ku mowqif yahay golaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Sidaas oo kale Taliyihii hore ee Nabad sugidda Danjire Cabdullahi Sanbalooshe ayaa isna ka gaarabay oo cafis ka dalbaday Qalbi Dhagax maaddaama uu door kulahaa dhiibistiisii.

Ka garaabidda Farmaajo iyo Sanbalooshe waxa ay eedda keli uga dhigeysaa Kheyre iyo xukuumaddiisa maaddaama uu garan waayay in uu ka garaabo khaladkii ka dhacay xukuumaddii uu hoggaaminayay.

Garawshiyuhu waa dhaqan gobnimo oo uu qofka khaladkiisa ku qirto kana garaabo wixii ka dhacay ee uu Insaanka u ahaa. Waxaana ay ka imaataa shakhsiyadda iyo isku kalsoonaanta qofka. Culimada nafsiga ah waxa ay ku andacoodaan qirasho la’aanta in ay ka siman yihiin qofka fuleyga ah iyo qofka isla weyn waayo waxa ay u arkaan liidasho dhaqanka garaabidda iyo qaadashada qaladka.

Ra’iisul wasaare Kheyre dhowr jeer oo kala duwan ayaa ay soo martay fursad uu iskaga meyri karo ceebtii Qalbi Dhagax. Mar waxa ay ahayd markii Qalbi dhagax xabsiga kasoo baxay ee uu xorta noqday, marna waxa ay ahayd markii uu xilka waayay ee uu banaanka yimid. Labada jeerna ma sameyn, haddaba maxay ku dhacday? Dabcan shakhsiyad liidasho mise fuleynimo?

Soomaaliya waxa ay aadeysaa sanaaddiiqda codbixinta marka 329 xildhibaan oo labada aqal ah ay Axadda soo aaddan kala saari doonaan cidda noqoneysa madaxweynaha xiga ee Soomaaliya.

Kheyre oo qeyb ka ah musharrixiintaas ayaa tagaya teendhada Afisiyooni isaga oo leh cambaar siyaasadeed iyo ceeb maamul, haddii uusan goosan in uu ka garaabo dhiibistii Qalbi Dhagax islamarkaana uusan qiran doorkiisii ku aaddanaa dhacdadaas.

Haddaba aan idin weyddiiyee ma fuleynimo mise shakhsiyad xumo, Muxuu ra’iisul wasaare Kheyre u qiran la’yahay doorkiisii dhiibista Qalbi Dhagax ugana garaabi la’yahay?