Kheyre Ma Hawiyenimo ayuu kaga Baxsan Doonaa Dembiyadii Qaranjabka ahaa ee uu la Galay Fahad iyo Farmajo?

Reading Time: 4 minutes

Waxaa beryahan Baraha bulshada wareegaya muuqaal uu soo duubay  Xasan Cali Kheyre oo ku sheegayyo inuu dalka wax u qabtay, isaga ka horna ay Madaxtooyada meel xun oo aan lagu shaqeyn Karin,  hasa yeeshee waxaa uu sheegay been uu isagaba ka cabsaday markii uu dib u daawaday.

Tusaale ugu weyn ee aan wax yar ka soo qaadaneyno waxay tahay Ciidamada wixii ben ah ee uu ka sheegay. Waxaa uu sheegay inuu ciidamada dib u habeeyey uu ku sameeyey una yeelay muuqaal qaran hasa yeeshee wuxuu illoobay inay jiraan warbixinno ay daabaceen beesha caalamka shaxdan hoose  oo caddeynaya inay hawshaas qabsaneyd dhammaanteed isaga ka hor, qaabka biometric ahna uu socday (in process).

Shaxda waxaa ka ku cad sida Ciidanka uu u habeysnaa markii ay imanayeen kooxdiisa NN madaxtooyada Somaliya. Ciidanka waa uu kala dileen Kheyre iyo Farmajo waxayna u kala saareen qabiillo iyo jufooyin loo kala bixiyey magacyo kala duwan.

Markii la magacaabayey Xasan Cali Kheyre Ciidamada Dowladda waxaa u dhameysnaa dhammaan hannaankooda mushaar qaad iyadoo lagu saleeyey darajooyinkooda ciidan waxaana ka arki kartaa shaxdaan hoose. Dalku waxaa uu ku jiray xaalad dhaqaale oo aad u adag, hasa yeeshee maamul wanag ay muujisay dowladdii NN ka horreysay ciidanka iyo shaqaalaha rayidka waxaa loo habeeyey si hufan oo ay ku mushaarqataan darajadooda.

Xasan Kheyre maaha oo kaliya inuu been sheegayee waxaa uu weli sii wadaa dhibaatadii uu dalka ku hayey. Waxaa laga kari la’ayahay sheeg sababta dhallinyarada aad u dirteen Erateriya Ramahaamad loogu haysto si loo furdaamiyo.

Ninbaa laga sheegay odaygii maxaad ku ogeyd Indho la’aan haddana wuxuu ku darsaday dad cunid. Xasan Kheyre waa nin kii dalka u dilay si uu Fahad iyo Farmajo u raalli geliyo,wuxuuna sameeyey waxkasta oo maanta xanuunkooda uu soo baxayo.

  1. 14 Agoosto 2017 Kheyre waxaa uu ahaa nin kii Farmajo u fuliyey, kuna kaalmeeyey in MW Cali Cabdullahi Cosoble xilka laga tuuro, iyadoo 24/10/2017 lagu badalay si musuqmaasu baahsan ah Maxamed Cabdi waare oo sida cad la dagay H/Shabeelle, kana dhigay sidii ay Kheyre iyo Farmajo rabeen. Kheyre waa ku faraxsanaa
  2. 25 Agoosto 2017 Waxaa dad shacbi ah la Xasuuqay  Bariirre, kuwaas oo dowladdii Xasan Kheyre ay ku sheegtay inay ahaayeen Shabaab. Kheyre waa ku faraxsanaa
  3. 28Agoosto 2017 waxay Kheyre, Fahad iyo Farmajo dalka Itoobiya gacanta u geliyeen halgamaa Somaliyeed Qalbidhagax  oo waliba kheyre si Khasab ahh golaha wasiirada uga sharciyeey dhiibistiisa. Kheyre waa ku faraxsanaa
  4. 17 Disember 2017 Waxaa la weeraray Cabdiraxman CabdiShakuur oo Gurigiisa lagu dialy askar ka tirsaneyd ciidanka xooga dalka Somaliyeed kuwaas oo kabahoodii lagu duugay- Kheyre waa ku faraxsanaa.
  5. 08 Abriil 2018 Waxay dowladda Kheyre iyo Farmajo xoog, cagajugleyn, iyo laaaluush kula wareegeen goalaha shacbiga, waxayna eryeen mid ka mid ah ragga ugu aqoonta badan dhinaca shuruucda iyo distuurka gudoomiye Maxamed Sh Cusman Jawaarey. Kheyre waa ku faraxsanaa.
  6. 8 November 2018 waxaa uu MW Farmajo, kheyre u adeegsaday in la eryo MW k/Galbeed Shariif xasan Sh Adan oo uu Farmajo u qabay ciil ka soo bilowday Kampala Accord. Kheyre waa ku faraxsanaa.
  7. 14 Disember 2018 Waxay kheyre, Fahad, iyo Farmajo ku Xasuuqeen magaalada Baydhabo shacbi 15 qof ah iyadoo xataa Wakiilkii QM ee ka damqaday dalka laga eryey. Kheyre waa ku faraxsanaa.
  8. 08 Juun 2019 Farmajo, Kheyre iyo Fahad waxay lacag malaayiin ah u dhiibeen in Puntland doorashadeeda la carqaladeeyo, lana soo saaro shakhsi la yiraahdo jebiye si looga dhigo Puntland sida hadda ay yihiin H/Shabeelle, K/Galbeed iyo Galmudug. Kheyre waa ku faraxsanaa.
  9. 28 Agoosto 2019 Waxaay Kheyre, Farmajo, iyo Fahad ku qadeen dagaal dhinac kasta Jubaland oo ay doorashooyin ka socdeen si loo tuuro Axmed Madoobe oo xataa in ciidan Itoobiyaan ah loo adeegsaday. Kheyre waa ku faraxsanaa.
  10. 22 Setember 2019 markiilagu guleysan waayey in la rido Axmed madoobe waxaa xayiraad cirka ah lagu soo rogay dhammaan duulimaadyadii rakaabka iyo daawooyinka u keni jiray dadka Jubaland taas oo ah runtii dambi qaran oo ay ahayd in lagu qaado cidii ka mas’uulka ahayd. Sidoo kale waxaa loo diiday inay Kismayo u safraan Madaxweynayaashii hore ee dalka, taas Iyana ahayd dembi kale. Kheyre waa ku faraxsanaa
  11. 10 Nofember2019 Kheyre , Fahad iyo Farmajo Waxay u diideen inay ka duulaan garoonka Adaen Cadde labadii Madaxweyne Sharif Sh Axmed iyo Xasan sheekh si ay mucaawino u gaarsiiyeen magaalada Balatweyne oo uu ku fahay wabiga shabeelle dadna ku dilay. Kheyre waa ku faraxsanaa.
  12. 02 Febraayo 2020 Waxay Kheyre, farmajo iyo Fahad si musuqmaasuq ah u uga dhigeen madaxdweyne Axmed Cabdi Qoorqoor, iyagoo ku bixiyey lacag aad u badan. Hawshaan badankeedna waxaa qabtay Xasan Cali Kheyre. Kheyre waa ku faraxsanaa
  13. 25 Julay 2020 Xabaale qode xabaalkiisaa la qoday Kheyre godkiisa ayey biyo ugu soo galeen waxaana talada looga xayuubiyey 7 daqiiqo, iyadoo aan la marsiinin wax sharci ah. Waayo muddo dheer ayuu sharcidarro sameynay, adkeynayey, fulinayeyna.
  14. 27 Satember 2020 waxaa Xasan Cali Kheyre loo diiday inuu wareejiyo xilkii uu sida sharafta leh kula wareegay, tan oo ahyd ihaano iyo ceebeyn rasmi. Waxaana ku soo qalloocday dhammaan sharci jebintii uu sida joogtada ah ugu raaxeysan jiray.
  15. Ciidanka dhallinyarada ee Erateriya loo diray oo uu xataa boqollaal ka damintay Beeshiisa isagoo ku gabbanay aderkiis Maxamed Xasan Xaad wuxuu hadli la’ayahay waayo ma waxaa laga ahayaa Faro iyo muuqaallo caloolxumo leh oo aamusiisay

Xasan waa beenaale isla weyn oo aan lahayn mabda’a lagu og yahay. Waxaa aad ula  weyn khiyaanada, kibirka iyo isla weynidiisa  oo ka dhigta qalfoof maran. Kheyre waxaa aad ugu yar waddanimada, mana ka naxo dhibaatada iyo xanuunka ay ku reebaan tallaabooyinkiisa khaldan dadka kale iyo hooyooyinka albaabkiisa ku ooyaya oo ay xataa ku jiran kuwa uu isaga ilamaha ka qaaday, kana damiintay.

Gabagabagabadii waxay ahayd in Xasan Kheyre oo kale uu dhuunto oo aan la arag muddo waayo umadda waxay weli xusuusataa hagardaamooyinkii uu geystay maalinna waa loo horkeeni doonaa sharciga. Waa dhab inay jiraan dad raba inay ku difaacaan Hawiyenimo, laakiin waxaa uu waxkasta kala siman yahay haddii uusanba ka xumeyn Farmajo iyo Fahad oo dalkaan 10 sano iyo ka badan dib u riday.

RW hore oo arrintaas ka hadalaya halkaan hoose ka dhageyso