Kheyre Iyo Xukumadiisa oo Maanta Lacagihi Ugu Badnaa Ku Bixinaya Xildhibaano Muqdisho So Gaaray.

Reading Time: < 1 minute

Magaalada Muqdisho aya waxa hada ka jira mashquul baadan oo ay wadan xildhibanada golaha shacabka iyado xildhibaano badan ay isku dayeyso Xukumada Kheyre in ay lacago ku laaluusho iyo in ay balan qaad ugu sameyo in uu xilal siinaayo.

Xildhibaano badan aya u muuqda kuwa taageersan Gudoomiye Jawaari iyago diiday sharci darada iyo weerarka Xukumada ku heyso Golaha Shacabka.

Wararka aya sheegeya in Xildhibano badan ay kulamo kala duwan ka wadan hoteelada Muqdisho iyago xukuumada kheyre Xildhibanada abaabulka u qaabilsan ay qarash xoogan ku bixinayan shirarkaasi.

Isku dayga xukuumada ay ku doneyso In ay burburiso Golaha Sharci dajinta dalka aya waxa ay ku bixineysa dhaqaalo Xoogan oo hantida shacabka soomaaliyeed ah iyado tan iyo mooshinka inta ay xukumadu bilawday ay isticmaashay lacag ku dhaw 5 Milyan oo doolar.

Waxa ayan daro ah in hantida umada Soomaaliyeed lagu bixiyo Mooshino iyo dano gaar ah oo shaqsi danihiisa ku fushto.