Kheyre Iyo Farmaajo oo Faragalin Iyo Cadalad Daro Ku Haaya Golaha Aqalka Sare

Reading Time: < 1 minute

Senator Maxamed Cusmaan ayaa ku eedeeyay Madaxda ugu sareysa Dowladda ineysan aqoonsaneyn Golaha Aqalka sare,islamarkaana wax walba oo ay xaq u leeyihiin la duudsiiyo.

Senator Maxamed Cusmaan ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday Guddi u gurmado dadka ay waxyeelado ka soo gaartay Fatahaada Wabiga Shabeelle iyadoo aan laga talo gelin Xildhibaanada Aqalka sare ee laga soo doorto Hirshabeelle.

Wuxuu sheegay in gurmadka dadka Shacabka ah loo sameynayo loo sinaado.