Waxa dhibaato xoogan ay ka taagan tahay Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiran iyadoona dadka ku dhaqan Magaalada Baladweyne ay la soo daristay Xalad Nololeed tii ugu halista badneed.
Dhibaatoyinka laso daristay Magalada Baladweyne aya waxa ay ka dhasheen Fatahadaha Wabiga Shabeele iyado ay ka dhasheyn dhibaatoyin ay fatahadaaasi u geysteen dadka ku dhaqan magaalada iyado dad badan ay ka barakaceyn Guryahoodii,halka kuwa kalana ay waayeen hab ay guryahooodii kaga baxeyn mmaadama ay biyihu uso dhaafeyn gurigoodii.
Dhibaatada ugu badan ay laso daristay dadkaasi aya ah in in korontadi la jaray ka dib markii ay koronto ka kacday magaalada ay waxyeelo gaarsiisiay qaar ka mid ah dadka halkasi ku nola.
Koronto la’aanta ka dhalatay Baladweyne aya sababtay in talefonada dadka halkasi ku noola ay daman madam aysan jirin koronto,oo shirkadi korontada ay ka baqeyn in dad uu ka co madam dhulku uu buux dhafiyay biyaha fatahaada,lacagtii shilin soomaaliga oo an laga isticmaalin magaalada iyo taleefoonadii lagu isticmaali jiray EVC-ga oo lacaga lagu kala waregsado uu dadla’aan u dansanyahay,dadkana aysan heysan wax ay dhuunta mariyaan.
Dwolada Soomaaliya aya umuuqata kuwa anan masuliyad ka saarneen Dadka ku nool Baladweyne iyado aysan jirin dhaqdhaqaaq an ka baxsaneen in baaq iyo hadal la jeediyo.
Waxa ay dadka ku nol baladweyne Mudanyihiin ficil ee ma mudna hadal iyo waan yeeli doonnaa oo ay sameynayan Madaxda Dowlada,iyado xaladaha nuucaan loo baahna in ay xil iska saaraan.