Kheyre iyo Fahad Yaasiin Oo Qatar u tagay Abaabulka Dagaalka Galmudug iyo Jubbaland

Reading Time: < 1 minute

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay waddo abaabulka dagaalka ka dhan ah Maamul goboleedyadda Galmudug iyo jubbland oo doorashooyin ay kusoo wajahan yihiin.

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo dowladda Mucaarad ku ah ayaa sheegay in Madaxda Dowladda ay Qadar ka raadsadeen dhaqaale lagu burburiyo Maamuladda Galmudug iyo jubbland.

Waxa uu sheegay in Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), oo haatan ku sugan dalka Sacuudiga uu la kulmay Madax ka socota dalka Qadar,halka isla maanta uu dalkaas u diray Raisulwasaare Kheyre iyo Taliyaha Nabadd Sugidda Soomaaliya.

“Madaxweynaha Sacuudiga ayuu kulan kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha Qatar, saakayna Ra’iisul Wasaaraha iyo Taliye xiggeenkii Nabadsugidda ayuu dalka Qatar u diray.

Maalmahan waxaa Addis Ababa isaga daba noqonayey Taliye xiggeenka Nabadsugidda. Waxaan kaloo maqashiisanahay in Madaxweynuhu uu Addis Ababa tegayo.

Wax kala maaha dagaal Galmudug iyo Jubaland ka dhan ah ayaa awood ciidan iyo mid dhaqaale loo raadsaday,N&N waxay masiirkooda siyaasadeed ku lareen guusha iyo guuldarrida ay ka soo hooyaan labadaa Dowlad Gobol.

Waxaan haddaba ugu baaqaynaa inta samaha Soomaaliyeed jecel in ay shirqoolkaas ka hortagaan oo ay garabsiiyaan labada Dowlad Gobol”, ayuu yiri Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame.