RW Kheyre oo jooga Kismayo ayaa hanjabaad uga soo diray halkaas MW Xaaf, hasaa yeeshee dad badani waxay is leeyihiin ismoog udbihi bey asleysaa ismana oga. Waay ninka hanjabaadda ay ku socotaa Xaaf Maaha oo Xaaf waa dhaawac dhameystir siyaasadeed oo kaliya u baahan ee waa Axmed Madoobe ninka loo socdaa.
Axmed ninka uu u dembaabay oo uu gaarsiiyey maratabd uusan mudneyn, uguna yeeray “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedearaalka Somaliya Xasan Cali Kheyre” ayuusan ogeyn inuu ka shaqeynayo in isaga la rido. Axmed Madoobe waa inuu xusuustaa wixii K/Galbed lagula sameeyey Mukhtaar Roobow oo loo tiriyo inay isku meel ka yimaadeen haba soo kala horreeyaane (Alshabaab).
Waxaa hubaal ah in Dowladda FS ee hadda jirtaa aysan biyo u kaban doonin in ay Axmed Midoobe soo xeerto maalamaha ay codeynta soo dhowaato inta ka horreysana la daajiyo si ay howlaha doorashada u sii sodaan. Ma dhacayaan wax ka duwan wixii ka dhacay Baydhabo, waxaana la isticmaali doonaa xoog. Xoog kasta oo uu Axmed Madoobe ku tashanayaana waa laga howlgalayaa inaysan u soo hiillin.
Kheyre iyo Fahad seexseexashadooda waa sidii gobolkaas loogu dadaali lahaa inuu Beesha Mareexaan gacanta u galo, waxkastana waa bannaan yihiin in la isticmaalo si hawshaas ay u fusho waa amar ay ka qabaan MW Farmajo.
Axmed Madoobe maanta ayey talada la gudboon tahay waxaana u quman inuu kursiga ku wareejiyo Kheyre iyo Fahad haddii uusan u diyaar ahayn inuu ku dagaallamo oo uu dad u dilo hadhow, taas oo gobolka iyo dadka degaankaba khasaare weyn u keeni doonta. Hadda inta aan la gaarin goortaas waxaa uu haysataa fursad uu bannaanka isaga dhigi karo dowladda FS inta ay doorashada ka dhaceyso, waxaana laga rabaa inuu u caddaallad falo dadka uu xukumo si culeyska iyo sedbursiga qabiil ee beeshiisa lagu eedeynayo uu saxo.
Dowladda FS waxaa ka fakatay Puntland oo ay aad uga xun yihiin, kadib markii laga guuleystay shakhsigii ay wadatay, waxaysa aaminsan yihiin inuu MW Puntland, Siciid Deni, oo madaxa katligiis taagaa uusan waxa badan ka qaadi Karin. Waayo Baydhabo waxaa la geysatay nikii la rabay, Jubbaland iyo GalMudug waa lagu tala jiraa sidii looga tuuri lahaaa odayaashan ku haray, Hirshabeelle isagu waa iska haye raac oo ma yaqaanno meel ay wax ka jiraan oo dabeysa ayuu la warwaregaa.
Isku duub waxaa soo socda qorsho aad u cabsi badan oo keeni kara in dalku si fudud uu dagaal sokeeye u galo oo hadda waxaa qarka u saaran Puntland iyo Somaliland inay Yubbe ku dagaalaan ama dalkan uu gacanta u galo koox kalitalisnimo muddo dalka ku dhacdaa, inkasto la hubo marka ugu dabemsaa in la iska kor qaadi doono. Dagaalka Somaliland iyo Puntland waxay dowladda FS u isticmali doontaa si siyaasadeysan oo iyada ay dani ugu jirto ama Deni ha lagu daciifiyo ama Muuse halagu daciifiyee.
Waxaa dhintay oo la aasay laba gole ee Barlamanka qaranka, kadib marki loo soo sameeyey Barlamanka seddex horjooge oo dhuunta wax ka maqlaa waana in Somalidu ka fekertaa hadda kadib xataa qabiillada Barlamanka loo dhiibayaa inay yihiin kuwa lagu aamini karo xilalka noocaan ah oo dhuunta dhaafsiisaneyn.
Somaliya wali waa qabiillo mana la ogola in laga guuro oo qaran loo guuro oo ay dadku si shakhsi ah wax u raadsadaan. Waxaa Khasab nagu ah laba habdhaqan oo nagu weyn inay badalmaan:
- Habdhaqanka aragtida ku wajahan dowladnimada. Waa maxay dowlad?
- Habdhaqanka aragtida ku wajahan Qabiilka iyo qofka. Keebaa mudnaanta leh oo aniga I saameeynaya muddada dheer.
Waa laba aragti oo ay tahay in dadka Somaliyeed laga koriyaa si dalku uu noqdaa dalka isku filan oo lugahiisa ku istaagi karaa.