Xasan Kheyre ayaa waxa lagu wadaa in uu Warmurtiyeed gaar ah la soo saaro Al Sunna Wajameeca. Warmutiryeedka ayaa waxaa codsatay Al Sunna Wajameeca ka dib markii ay ka hor yimaadeen warmurtiyeedkii uu Kheyre la soo saaray Madaxweyne Axmaed Ducaale Geele Xaaf kaas oo aan ka tarjumaynay xaqiiqda ka jirta Galmuudug.
Hadii Kheyre aqbalo in uu Warmurtiyeed gaar ah la soo saaro kooxda Al Sunna Wajameeca ee fadhigeedu yahay Magaalada Dhuusamareeb iyaga oo ku hadalaya magaca Dowlad Goboleedka Galmudug waxa ay cadayn u tahay in Dowlada Fedaraalka ay ku guuleysatay in ay kala jabiso Dowlada Goboleedka Galmudug.
Kheyre ayaa waxa la filayaa in uu Al Sunna kala qayb galo xuska maalinta kowda Juulaay oo lagu qaban doono hoolka Shirarka ee reer Dhuusamareeb.