Kheyre “Idinkana waad ogtihiin… Saaxiibkeey Hawiye ciil buu u qabaa…”

Reading Time: < 1 minute

Xassan Cali Kheyre ayaa qorsheynaya in maalinta berito ah uu safar dhulka ku aado magaalada Gaalkacyo isaga oo sii maraya magaalada Cadaado. Safarka Kheyre ayaa imaanaya iyada oo beesha Sacad ku balantay in ay ku kulmaan magaalada Gaalkacyo Bisha Juulaay 10 keeda si ay uga tashadaan go’aanka ay ka qaadan lahaayeen mustaqbalka Galmudug.

Xassan Kheyre ayaa u jeedadiisu tahay in uu carqaladeeyo shirkaasna isla markaana uu ka dhex abuuro beesha Sacad qilaaf cusub. Qaar ka mida aqoonyahanada iyo salaadiinta reer Gaalkacyo ayaa ka digay imaatinka Xasan Kheyre iyaga oo ku eedeyay in uu doonayo   in uu carqaladeeyo shirka loogu balansan yahay in uu ka furmo Galkacyo.

Maalinta berito ayaa waxa la filayaa in ay ka dhoofaan magalaada Muqadishu wafdi uu hogaaminayo Senator Cabdi  Qaybdiid kuwaas oo ku wajahan  magaalada Gaalkacyo si ay uga qayb galaan shirka ka furmaya Gaalkacyo.

Waxgaradka reer Galmudug ayaa sheegay in Xasan Kheyre uu hogaanka u hayay xasuuqii lagu sameeyay dadka ka soo jeeda Beesha Sacad islamarkaana uu uu dagaal toos ah ku soo qaaday degaanka iyo dadka Galmudug.