Kheyre: “hadii aan ka soo tago Dh/mareeb waxa burburaya wixi aan dhoodhoobay”

Reading Time: < 1 minute

Xasan Kheyre oo labadii maalin ee u danbeeysay  lagu cadaadiyay in uu Muqadishu yimaado oo uu muraga la qaybsado mas’uuliyiintii ku dhintay ama ku dhawwacmay qaraxii Xarunta Gobolka ayaa ka biyo diiday in uu si dhaqso ah u yimaado magaalada Muqadishu.

Kheyre oo waayahan danbe ka waday mashruuc uu danahiisa ka dhex arkayaya oo ah maamul u samaynta Galmdug ayaa sheegay in hadii uu ka soo tago Dhuusamareeb ay kala daadanayaan waxyaabhii Beenta ku dhisnaa ee uu isagu waday.

Waxa uu yir “ …hadii aan ka soo tago Dhuusamareeb waxaa iga burburaya wixii aan soo dhoodhoobay”. Waxaa nasiib xumo ah in wasiirka MII amniga iyo Kheyre ay ka dood bideen in ay ku nagaadaan Dhuusamareeb iyaga oo ilaashanaya danahooda gaarka.

Su’aashu waxa ay tahay ilamaa ayuu Xasan Kheyre been ku hogaamin Karaa shacabka Soomaaliyeed.