Kheyre: “.. Habargedir wax aan qoray caaradii ahayn ma yaqanaaan”

Reading Time: < 1 minute

Shalay markii uu dagaal ka ba’an ka socday magaalada Dhuusamareeb ayaa odayaal iyo ganacsato la kulantay Xasan Kheyre, kuwaas oo u sheegay in dagaalka la joojiyo oo xal  nabadeed lagu dhameeyo dagaalka.

Kheyre ayaa u sheegay odoyaasha in aanu dagaalka joogsanaynin ilamaa la soo xiro hogaanka sare ee ururka Al Sunna Wajameeca.

Kheyre ayaa sheegay in Ciidan iyo hub culus uu u diray Dhuusamareeb, mar aan dhaweeyna uu soo afjari doono dagaalka.

Kheyre ayaa loo sheegay in wax natiijo waarta ayan ka soo bixi doonin dagaal lagu qaado dad shacab ah. Kheyre oo ay ka muuqato caadifo qabiileed ayaa yiri “ Labo sano ayaanu dabasoconay Habargedir, iyaga isma rabaan, isma Ceshadaan, kuligoodna waa beec lacag unbaa ka maqan, waligeey ma arag dad ka qariban, waana in Soomaaliya laga qabtaa”

Xassan Kheyre ayaa ku celceliyay In beesha Habargedir ayan wax aan qoray caaradii ahayn aqoonin.

“Kuwii Habargedir ee kooxdaan ka horeeysay, waxaan ku istaajinay qoray caradii iyo iska celin, taas ayaana keentay in maanta dowlad jirto, hadii tooda loo yeeli lahaa, walaahi dowlad Soomaaliya ma jirteen xiligaan”. Ayuu u yiri si Caro ah.

Mid kamida Ganacsatada la kulantay Kheyre oo ka gaabsaday in magaciisa aan shaacino ayaa yiri, “ninka aan maanta soo aragnay was nin ciil u qabo dhiiga Habargedir, waxa uu soo wadana iyo wabiga yaa wayn”

Beesha Habargedir ayaa noqotay  beel uu Xasan Kheyre ka dhigay mid uu lacag ku iibsado iyo qaar uu hubkii loogu deeqay Soomaaliya uu ku gumaado.