Kheyre: “Beesha Habargedir iyada isma rabto, dalna kama maqno, qofkastaana waxa uu isku arkaa in uu yahay boqor”

Reading Time: < 1 minute

Xasan Kheyre ayaa maanta inta uu ka baxin magaaalada Dhuusamareeb u sheegay qaar ka mida saaxibadiisa safarka la ah in beesha Habargdir  tahay beel aan hogaan lahayn isla markaana danahoodu  ku kooban yahay qofka aad  markaasi la hadlaysid.

Kheyre ayaa u sheegay saaxibadiisa ka soo jeeda beelaha kale ee la socday “hadii aan dalkaan laga qaban Habargedir  walaahi in aan Soomaaliya waligeed nabad helaynin”. Kheyer oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay degaanka Dhuusamareeb ayaa u muuqdo mid muujinaya nacayb gaar ah oo uu u qabo beesha Habargedir.

Kheyre oo isaga lagu yaqaano been iyo ku takrifalka awooda dowladnimo  ayaa yiri “ …qolaadaan Habarta ah iyagana  isma rabaan,  dalna kama ma maqno  qofkastaana waxa uu isku arkaa  in uu yahay Boqor”.

Hadalka aflagaadada  ah ee uu ku xantay beesha Habargedir  ayaa waxa uu ku soo aadayaa  ka dib markii  kooxda Al Sunna ay ka biyo diiday qorshihii uu ula yimid. Kheyre ayaa waxa sidii turubka ugu ciyaarayaa beesha Habargedir isaga oo u kala hadal qaadayo kana shaqeynayo in uu sii xoogaysto qilaafkooda.

Hooganka beesha Habargedir ayaa saf ugu jirta araga Xasan Kheyre iyaga oo horay ugu eedeeyay in ay uu isaguy ka  danbeeyay dilal iyo jariimooyin loo geystay beesha. Salaad Dhaga Dheree oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa yiri. “walaal waanu jabnay, dhaqankii, awoodii,  siyaasadii iyo caqligiiba waxa uu na gabay  maanta  in aanu Kheyre talo u raadsano”. Waxa uu ku daray ” walaal Farmaajo waa uu na kufsaday, rag baana meeshaa na dhigay”