Kheyraadka dalka iyo Khiyaanada RW Kheyre, SOMAOIL  iyo dowladda Norway (Qoraalo & Cadeymo)

Reading Time: 2 minutes

Sidii aan hore idinkugu soo sheegnay RW Kheyre aya ka shaqeynaya sidii uu kheyraadka saliidda dalka uu ugu gacan gelin lahaa dalka Norway iyo shirkaddiisa SOMAOIL & GAS. RW Kheyre aya si weyn uga horyimid kiiskii dacwada badda ee ka dhexeeyay Soomaaliya iyo Kenya taasoo dowladda Norway ay dabada ka riixeysay sidii ay Kenya uga guuleysan lahayd Soomaaliya, balse nasiib darro waxaa uu dalka gacanta u galay hoggaan wax magarato ah kaasoo wasiirka koowaad u magacaabay Xasan Cali Kheyre oo madax ka aha shirkadda SOMAOIL & GAS.

Shacabka Soomaaliyeed oo qabay dareenkaas, kana cabsi qabay in RW Kheyre uu kheyraadka dalka u gacan gelin doono dowladda Norway aya waxaa soo baxay wararkii isdaba joogga ahaa ee aan idiin soo tebineynay kuwaasoo ku saabsanaa boobka uu RW Kheyre ku wado dalka Soomaaliya.

Sida aad ka arki doontaan lifaaqa warqad ka soo baxday safaaradda Norway ay ku leedahay dalka Kenya waxaa lagu wada in bishan 21 Oktoobar ilaa 25 Oktoobar ay siminaar u qabaneyso dowladda Norway iyo shirkadda shidaalka ee dalkaas wasaaradda Batrooka Soomaaliya, Wasaaradda Qorsheynta, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Dekedaha. Dhammaan wasaaradah kor ku xusan aya waxaa ku magacaaban wasiiro u adeega danaha Kheyre oo shaqo ku lahayn danta qaranka, iyagoo ilaashanaya oo kaliya kursigooda.

Waxaa sidoo kale MOL aan idiin sheegnay in Xogeeyaha joogtada ah ee wasaaradda Batroolka loo magacaabayshaqsi ay isku hayb yihiin Madaxweyne Farmaajo una shaqeynayay shirkadda shidaalka ee dalka Norway kaasoo lagu magacaabo Karar Daameey, walow magacaabay Bishii May 13, 2018. Ayaa waxaa magacaabistiisa la shaaciyay bishii September 24, 2018.. 

Haddaba waxaa looga fadhiyaa guddoonka Baarlabaanka JFS iyo xildhibaanada in ay ka dhiidhiyaan gabood falka iyo boobka RW Kheyre uu ku hayo hantida qaranka Soomaaliyeed isagoo raba in uu si shaqsi ah uga macaasho.

Bartamaha sanadkan ayaa ay ahayd markii dowladda Norway qeyb weyn ka qaadatay ololihii shaqada looga fadhiisiyay Gudoomiyihii hore ee Baalamaanka Maxamed Cusmaaan Jawaari iyada oo ay ujeedadu ahayd in taageero buuxdo la siiyo qorshaha RW Kheyre ee lagu meelmarinayo danaya dalka Norway.

Halkaan ka aqriso warqadda dowladda Norway:

[googlepdf url=”http://46.101.175.207/wp-content/uploads/2018/10/NORWAY.pdf” width=”100%” height=”800″]

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!