Kheeyre,Fahad yaasiin iyo Farmaajo oo Wacad ku maray in ay Kala dhantaalayaan Maamulka Galmudug!!

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farjaamo iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa lagu eedeyay inay ka danbeeyaan khilaafka ka dhax aloosan madaxda sare ee Maamulka Galmudug.

Khilaafka ka dhaxeeya hogaanka Galmudug ayaa la sheegay in uu ka bilowday isku darka maamulada Ahlu sunna iyo Galmudug oo madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi iyo Gudoomiyaha Barlamanku ay tilmaameen in la jebiyay heshiiskii jabuuti ee ahaa in isku darka mamulka lagu saleeyo awood qeybsi qabaa’ilada Mudug iyo Galmuduud balse ku tagri fal awoodeed lagu kacay.

Muqtaar Maxamed Cali  oo ka mid ahaaa Wasiirada Maamulka Galmudug ayaa sheegay in hada khilaafka jira ay ka danbeeyaan madaxweynaha iyo R/wasaaraha ayna adeegsanayaan sida uu yiri Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug.

Ujeedka ayuu ku sheegay inay rabaan Doorashada 2020 inay Galmudug xildhibaano badan ka helaan oo ay hada Olole sii bilahaabayaa

Waxaana aad loola yaaban-yahay in qalalaase loo galiyo maamul dhisan dan gaar ah oo aan dhaweeyn hiigsigeeda,waxeeyna Galmudug markaan ku badbaadi kartaa Go’aan qaadasho iyo isku tashi