Kheeyre oo sheegay in Beelaha Abgaal iyo Habar-gidir ay Dowladda ka Weerarayaan Facebook-ga

Reading Time: < 1 minute

Xassan Cali Kheeyre oo ku sugnaa  Dalka Jabuuti ayaa waxaa uu jeediyay hadal dhalin karay Dagaal sokeeye iyo colaad abuur ka dib markii uu sheegay in Beelaha soomaaliyeed Qaarkood ay Bilaabeen in dalka ay ka sameeyaan qalalaase.

Waxaa uu sheegay in Baraha Bulshadda Gaar ahaan Facebook-ga ay duulaan siyaasadeed ka waddaan qaar ka mid ah Beelaha Abgaal iyo Habar-gidir kuwaasi oo uu sheegay in aysan dooneynin in dalku deganaanshiyo galo.

R/wasaare Xassan Cali Kheeyre waxaa uu xusay in Dadkii hurinaayay colaada soomaaliya 28-sano ka hor ay hada mar kale doonayaan in ay dumiyaan Xukumadiisa kuwaasi oo uu ula jeedo Beelaha Abgaal iyo Habar-gidir.

‘’Waxaan idiin sheegayaa in soomaaliya ay hada geleeyso xaalad adag oo ay abuurayaan qaar ka mid ah qolyahii 28-sano ka hor dalka foowdo iyo dagaal ka bilaabay oo dowlada maalin walba ka weeraraya Facebook-ga’’ Sidaasi waxaa Yiri R/wasaare Xassan Cali Kheeyre

Qaar ka mid ah siyaasiinta ayaa waxaa ay arinkaan ku tilmaameen in aan laga aamusi Karin islamarkaana uu R/wasaare Xassan Cali Kheeyre ku doonaayo in uu isku diro Beelaha Soomaaliyeed.

Ildheer-garadka qaarkood ayaa leh’’ R/wasaare Xassan Cali Kheeyre Waxaa uu u ciil qabaa colaad sokeeye si barnaamijyadiisa kheeyraad aruurinta uu jaanis horleh ugu helo’’

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah oo ay masuuliyad weeyn ka saran tahay ilaalinta Awooda dowladnimo  ayaa u muuqda mid raali ka ah Qaladaadka aan qarsooneeyn ee R/wasaare Xassan Cali Kheeyre