Wararka aynu heleeyno ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ay kulan gaar ah oo Albaabada u xiran yihiin ka yeesheen Magacaabista xilalka banaan ee Wasaaradaha.
Kulankan ayaa waxaa dalbaday Madaxweynaha Soomaaliya oo u sheegay Ra’iisul wasaaraha inay soo gaaraan beelo badan oo cabasho ka ah Boosaska ay Qaranka ku matali lahaayeen oo aan la siin xuquuqdii ay lahaayeen.
Beelaha qaar ayaa ku diidan Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Shaqsiyaad uu isaga wato oo aysan dooneyn inay beelahooda matalaan, balse Kheyre ayaa ujeedadiisa tahay inuu soo magacaabo shaqsiyaad aan la imaan Karin siyaasad ka madax banaan dowlada Federaalka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa usoo jeediyay Ra’iisul wasaaraha in la wada qanciyo beelaha tabashada qaba wuxuuna u sheegay in wadajir ay u qaabilaan beelahaasi si loo dhageysto tabashadooda ka dib xal guud loo gaaro.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa doonaya inuu qanciyo beelaha muranka ka keenay habka uu iskugu shaandheynta u wado Ra’iisul wasaaraha.
Xukuumada Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre waxaa hada ka banaan 5-Wasiir, hal Wasiiru Dowle iyo labo Wasiir kuxigeen, Wasiiradan ayaana isugu jira kuwa horey xilka uga tagay iyo kuwa dhawaan isku casilay in ay u tartamaan Doorashadii Gudoomiyaha golaha Shacabka.
Dad badan ayaa isweediinaya xiliga Ra’isul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya uu soo magacaabi doono Wasiirada ka dhiman Xukuumadiisa, waxaana xilalka Wasiirada qaarkood sii hayaal ka ah Wasiir kuxigeeno.